gabay qaadka
Qorya raamso quudkana yaree
qaadow adigaa leh
Boqolaal qorshoo wada qabya ah
qaadow adigaa leh
Qoys dumaya qayliyo huruuf
qaadow adigaa leh
Qalbi qooqan qoora aan waxtarin
qaadow adigaa leh
Qardareeye kaadida qul quli
qaadow adigaa leh
Jirkoo qaasha nadarkoo qayiran
qaadow adigaa leh
Qalbi guban sigaar lagu qanciyo
qaadow adigaa leh
Macdan qubta hawshoon laqaban
qaadow adigaa leh
Hurda qarow ah soojeed qam qama
qaadow adigaa leh
Iska qaado qaantana ha bixin
qaadow adigaa leh
Qayil oo cun reerkiina qadi
qaadow adigaa leh
Qashin iyo qashaabiir qurmuun
qaadow adigaa leh
Qatar caafimaad oo qarsoon
qaadow adigaa leh
Qalbi olol mar qabo oo qaniin
qaadow adigaa leh
Qaraabo iyo ehel aan latabin
qaadow adigaa leh
Qayrkaa shaxaad hana qajilin
qaadow adigaa leh
Iska qari cidbaa kugu qabsane
qaadow adigaa leh
Qabri ka hor qandha aan laga biskoon
qaadow adigaa leh
Isqandiiri kana qoomamee
qaadow adigaa leh
Ibliis qarowga aadmiga ku qaba
qaadow adigaa leh
Afku wuxuusan ii qaban karayn
qaadow adigaa leh
Qosol iyo qamuunyo isku xiga
qaadow adigaa leh
Qasad dhaar ah qawl aan la fulin
qaadow adigaa leh
Qur'aan lagu kaftamo qadaf iyo been
qaadow adigaa leh
Cimri kuu qorraa qayb ka lumi
qaadow adigaa leh
Qandiga fuqurka iyo quus rageed
qaadow adigaa leh
Qureesh gabara waxa loo qawada
qaadow adigaa leh
Dad qamaama qayliyo dagaal
qaadow adigaa leh
Shaluu qaatay maantana qafaal
qaadow adigaa leh
Qabyaalad iyo iimaan la'aan
qaadow adigaa leh
Dhaliyara afkooduun u qoran
qaadow adigaa leh
Wax ninwayni qaadoo qawada
qaadow adigaa leh
Salaadaha dib qabo ama qallee
qaadow adigaa leh
Xubna qaadiwaa sida qof qalan
qaadow adigaa leh
Qabiltu jaanka aadmiga ku qabo
qaadow adigaa leh
Dubaab lagu qarwoo kugu qulqula
qaadow adigaa leh
Bisad ku quustay dabadeeda qabo
qaadow adigaa leh
Qarjaf sayntu inay kuu tiraa
qaadow adigaa leh
Qanaaskiyo was waaskaa qarsoon
qaadow adigaa leh
Qandaraaska qaatumo xumada
qaadow adigaa leh
Qarbaboosh ilkiyo gawsa qodan
qaadow adigaa leh
Afqashuusha oon cadaygu qaban
qaadow adigaa leh
Af qalala bushima qolof dhacsada
qaadow adigaa leh
Qasban qayb daroogada ka mida
qaadow adigaa leh
Qaflad aan dareenkeed la qabin
qaadow adigaa leh
Ragoo quusta dumarkoo qawada
qaadow adigaa leh
Faqiir qani ismoodoo qayila
qaadow adigaa leh
Indha qoriya qaadirada subax
qaadow adigaa leh
Qubays laga wahsado iyo qurmuun
qaadow adigaa leh
Qamiis walaf quluub aan xasilin
qaadow adigaa leh
Qoys laga dhixiyo qaaqla nimo
qaadow adigaa leh
Waa quutul awliyo kidbiya
qaadow adigaa leh
Qaamuuska waxa cay ku qoran
qaadow adigaa leh
Inoo qaybi aan lagu qancayn
qaadow adigaa leh
Qabsimadu inay kala xirmaan
qaadow adigaa leh
Qurbaha joog adoon hawl ka qaban
qaadow adigaa leh
Deg deg loo qasaariyo shilqoran
qaadow adigaa leh
Qiso yaablohooy qarinayaan
qaadow adigaa leh
Qofka daa'imoo qiima dhaca
qaadow adigaa leh
Waxaad shalayto qabatoo qariban
qaadow adigaa leh
Ku qasaar macaashkana ku qarow
qaadow adigaa leh
Magnad kugu qasbiyo qaac ibliis
qaadow adigaa leh
Hanti qaran qanaafiir ugee
qaadow adigaa leh
Qaadicu salaadnimo asala
qaadow adigaa leh
Intuu qadaf qof uun ku hadli karo
qaadow adigaa leh
Lixdankaa qisoo wada qubxiya
qaadow adigaa leh
Qaatala ka laahuye adigaa qaranka aafeeyay.