suugaanta somalida

  • Home
  • the flowers
  • muxaadirooyin
  • africa geography
  • history of somalia
  • somaliland presidential election 2003
  • animal pictures
  • 24 Hours in the Life of a Muslim
  • all africa flags
  • maahmaaho somaliya
  • Silsiladda Taariikhda Islaamka
  • gabayada
  • guurkii-dhexmaray-jinka-iyo-insiga
  • suaalo iyo jawaabo diini ah
  • maansooyin
  • photos
  • new histories
  • sheekooyin
  • qiso dhab ah
  • learn english grammar in 10 days
  • islamic-and-somali-links
  • social photos
  • tahriibta
  • xajka
  • salaadda
  • islamic topics
  • the holly month of ramadan
  • TYPES OF SADAQAH

gabay qaadka

 

Qorya raamso quudkana yaree

qaadow adigaa leh
Boqolaal qorshoo wada qabya ah

qaadow adigaa leh
Qoys dumaya qayliyo huruuf

qaadow adigaa leh

Qalbi qooqan qoora aan waxtarin

qaadow adigaa leh
Qardareeye kaadida qul quli

qaadow adigaa leh
Jirkoo qaasha nadarkoo qayiran
 

qaadow adigaa leh

Qalbi guban sigaar lagu qanciyo

qaadow adigaa leh
Macdan qubta hawshoon laqaban

qaadow adigaa leh
Hurda qarow ah soojeed qam qama

qaadow adigaa leh

Iska qaado qaantana ha bixin

qaadow adigaa leh
Qayil oo cun reerkiina qadi

qaadow adigaa leh
Qashin iyo qashaabiir qurmuun

qaadow adigaa leh

Qatar caafimaad oo qarsoon

qaadow adigaa leh
Qalbi olol mar qabo oo qaniin

qaadow adigaa leh
Qaraabo iyo ehel aan latabin

qaadow adigaa leh

Qayrkaa shaxaad hana qajilin

qaadow adigaa leh
Iska qari cidbaa kugu qabsane

qaadow adigaa leh
Qabri ka hor qandha aan laga biskoon

qaadow adigaa leh

Isqandiiri kana qoomamee

qaadow adigaa leh
Ibliis qarowga aadmiga ku qaba

qaadow adigaa leh
Afku wuxuusan ii qaban karayn

qaadow adigaa leh

Qosol iyo qamuunyo isku xiga

qaadow adigaa leh
Qasad dhaar ah qawl aan la fulin

qaadow adigaa leh
Qur'aan lagu kaftamo qadaf iyo been

qaadow adigaa leh

Cimri kuu qorraa qayb ka lumi

qaadow adigaa leh
Qandiga fuqurka iyo quus rageed

qaadow adigaa leh
Qureesh gabara waxa loo qawada

qaadow adigaa leh

Dad qamaama qayliyo dagaal

qaadow adigaa leh
Shaluu qaatay maantana qafaal

qaadow adigaa leh
Qabyaalad iyo iimaan la'aan

qaadow adigaa leh

Dhaliyara afkooduun u qoran

qaadow adigaa leh
Wax ninwayni qaadoo qawada

qaadow adigaa leh
Salaadaha dib qabo ama qallee

qaadow adigaa leh

Xubna qaadiwaa sida qof qalan

qaadow adigaa leh
Qabiltu jaanka aadmiga ku qabo

qaadow adigaa leh
Dubaab lagu qarwoo kugu qulqula

qaadow adigaa leh

Bisad ku quustay dabadeeda qabo

qaadow adigaa leh
Qarjaf sayntu inay kuu tiraa

qaadow adigaa leh
Qanaaskiyo was waaskaa qarsoon

qaadow adigaa leh

Qandaraaska qaatumo xumada

qaadow adigaa leh
Qarbaboosh ilkiyo gawsa qodan

qaadow adigaa leh
Afqashuusha oon cadaygu qaban

qaadow adigaa leh

Af qalala bushima qolof dhacsada

qaadow adigaa leh
Qasban qayb daroogada ka mida

qaadow adigaa leh
Qaflad aan dareenkeed la qabin

qaadow adigaa leh

Ragoo quusta dumarkoo qawada

qaadow adigaa leh
Faqiir qani ismoodoo qayila

qaadow adigaa leh
Indha qoriya qaadirada subax

qaadow adigaa leh

Qubays laga wahsado iyo qurmuun

qaadow adigaa leh
Qamiis walaf quluub aan xasilin

qaadow adigaa leh
Qoys laga dhixiyo qaaqla nimo

qaadow adigaa leh

Waa quutul awliyo kidbiya

qaadow adigaa leh
Qaamuuska waxa cay ku qoran

qaadow adigaa leh
Inoo qaybi aan lagu qancayn

qaadow adigaa leh

Qabsimadu inay kala xirmaan

qaadow adigaa leh
Qurbaha joog adoon hawl ka qaban

qaadow adigaa leh
Deg deg loo qasaariyo shilqoran

qaadow adigaa leh

Qiso yaablohooy qarinayaan

qaadow adigaa leh
Qofka daa'imoo qiima dhaca

qaadow adigaa leh
Waxaad shalayto qabatoo qariban

qaadow adigaa leh

Ku qasaar macaashkana ku qarow

qaadow adigaa leh
Magnad kugu qasbiyo qaac ibliis

qaadow adigaa leh
Hanti qaran qanaafiir ugee

qaadow adigaa leh

Qaadicu salaadnimo asala

qaadow adigaa leh
Intuu qadaf qof uun ku hadli karo

qaadow adigaa leh
Lixdankaa qisoo wada qubxiya

qaadow adigaa leh
Qaatala ka laahuye adigaa qaranka aafeeyay.

DIY Free Web Design with SynthaSite Design by TLG