DHAXALKII TAHRIIBTA IYO DHACDADII LA SOO MARAY.
Waa qiso la yaab loo qoraagaa diyaarshoo qalinaa saxeesoo qarnigaa markhaati ah
Sheekadani la magac baxday dhaxalkii tahriibt iyo dhacdadiib la soo maray ayaa waxa ay tahay sheeko ama taariikh ku tusaysa mid ka mid ah wadooyinka ay dadka somaliyed ee wakhtigani xaadirka ahi joga ay ku safaraan amaba waa sheeko kuu soo bandhigaysa bal hada dadka somaliyeed ee tahriibaa siyaabaha ay u tahriibaan iyo waxyaabaha ay la kulmaan sheekadani aya waxa ay tahay mid ka dheer mala awaal iyo beentoona waana sheeko ah waxaan shaahid ku soo arkay hadaba aduunka marka laga shekaynaayo waxaa loo qaybiyaa waxan usoo joogay iyowaxaaan usoo joogay kii usoo joogay hadaba tani maaha waxaan usoo joogay kiii usooo joogay ee waxa weeeye waxaan u soo joogay Somalidu waxaaa ay ku maahmaahdaa ,, aduun waaa sheeko iyo shaahid ;; sheekadani waaa shaahid iyo waxaan indhahayga ku soo arkay sidoo kale waxan usoo joogay waxaan ku dar daray ma jiraan ilaa w axaan ka tagay mooyaane
Qoraalkani aan halkani idiin ku soo bandhigayaa ayaa waxa uu yahay mid ku tusaaya xaqiiqada iyo nolosha dhabta ah ee ay dadkani maraan iyo nolosha ay ku suganyihiin iyo waaqiciga jira ee ay dadkani maraan hadaba nolosha iyo adagyga amaba jileeca ay ledahay nolosha ay maraan dadka muhaajiriinta ah ee somaliyeed amaba hadii aan si kale u dhigo dadka tahriibta ah ayaa waxa ay tahay mid aan caadi ahayn waxaana ay noqdeeen qaar ku sii badanaaya ama dariiqada tahriibtu ayaa waxaa ay noqotay mid sanadadiii ugu danbeyay qof kasta iyo qoys kasta oo ku nool somaliya mid saamaysa sidoo kale waxaa ay noqotay mid uu qof kasta oo dhalinyaro ah oo somaliyeed ooo wiil ama gabadhaba ha ahaate tahriibtu waxa ay noqotay mid ay ku fakaraan ama maskaxahoooda ka dhex guuxda oo ay noqotay cudur ay dhalinyaradu qaado ama waxa uu noqday cudur xun oo waliba faafa oo aan la jooojin karin oo qofba ka kale uu usii gudbiyo hadaba tahriibku waxaa ay noqotay cudur aan ilaa iyo maanta dawo loo haynin dadka sanad kasta ku baxa ee darteed nafahoooda u waayaana ay boqolaal yihiin kuwa ku bad baadaana ay kumanaan yihiin kuwa ay saamaysaana ay yihiin malaayiin waayo qoys kastaa waxaa ka maqan qaar ka mid ah kuwaasi dhintay ama bad baaday ama jeelasha ka buuxa hadaba tahriibtu ama tacabirku maaha mid aan maanta halkani idin ku baraayo waana war laga wada dharagsanyahay eee waxaa uu u baahanyahay bal hada qof isagu tacabiray ooo ka sheekeeyay bal xaaladaha dhabta ah dadku badanaa marka ay tacabiraan sida iska caadada ah waxa ay dhahaan ama marka la su ,aalo sideee buu ahaa tacabirkii ama tahriibtii aad marteen waxaa ay ku jawabaan oo kali ah waa uu dhib badanaa ama waxa uu ahaa wax aad iyo aad u adag ama waxaa ay ku dhaafaan oo kali ah iska caad ayuu ahaa hadaba qofkani tacabiray waa qof soo maray dhib lama ilaawaan ah oo nooc kastaba leh oo waxa kali ah ee uu ka bad baday ay tahay naf bax ama dhimasho sidaasi darteed ayaanay dadka ka soo hadha mawjadaha tacabirka ee aan ku dhimanin sidaasi ayaa aaanay war buuxan badanaa uga bixin waayo qof ma jeclaysto inuuu ka waramo ayaamihii mahlakada ahaa ee uu soo dhaafay sidoo kale ma jeclayso inuu xasuusto oo laguna sooo kaa kiciyo ladhkii iyo boogihii uu ku reebay naftiisa waagii tahriibta iyo gudccurkii dheeraa ee uu dhex lugaynaay waayo marka aad tacabire ama tahriibe tahay ma jiraan wax aad la socotaa waxaad tahay qof gudcur lugaynaayay oo waliba gudcurka ay kuu dheertahay baqdin aad ka baqayso dadka aad ku dhex safrayso iyo dawladaha aad shuruucdooda burburinayso waayo maantaad ciida somaliya ka dhamato aya kuugu danbayso wadan aad sharci ku dhex marto waxaanad tahay muhaajir qayra sharci ah ama tacabire sharci daro ku socda
Waxaaan rabaa inaan halkani ku soo bandhigo taariikh ama ayaamo aan soo maray oo ahaa ayaamo lama ilaaawan ah oo ahaa ayaamo aan tacabir amaba tahriiib aan ka soo bilaabay geeska africa ilaa waqooyiga africa ilaa konfurta yurub ilaa waqooyiga yurub
Waxaan ka mid ahaa ardayda iskuulada sare ee magalada burco ee gobolka togdher waxaan in badan dhagta ka maqlayay in badan oo ardayda iyo dadka kale ee bulshada ka mid ah oo tahriibaaya sidoo kale waxaan in badan iyana indhaha ka arkayay dad badan oo iyana sii socda oo usii kolonyaysanaya wadooyinka tahriibta iyo meel ay iyagu dheeef moodaan laakiin xaqiiqdii ay dhibaato taalo waxaan idin badan ka maqlaa idaacadaha afka somaliga ku hadla sida idaacada bbcda iyo qarkale oo badan inay dhintaan ama badaha laga soo badbaadiyay dad muhaajiriin ah sidoo kale waxaan idaacadahaasi mararka qaar aan ka dhagaystaa in dad tacabirayaal ah la wayay qaare ay iyagoo mayd ah ay ka soo caaryaan xeebah badaha sida badaha wadanka italya jasiirada malta iyo sidoo kale xeebaha wadanka yemen hadaba ma u baahna inaan warka tahriibta imika idiin bilaabo waayo qofkasta waxaaa uuu ka maqlaa warka tahriibta idaacadaha kii aan ka maqlina waxaaaba laga yaaabaa inuu qoykiisa qof ka mid ihi tahriibta ku geeriyooday ama uu ka bad baaday hadaba waxan rabaa inaan idiiin ka waramo aniga oo tahriibay waxaana ay u dhacday sidani iyo wixii aan kala kulmay iyo bal waxa ay ku dhamaatay la soco ;;;;
BILOWGII SAFARKA. :::::
waxaa ay ahayd oo kali ah subax ay bishu ahayd bishii 7aad 31 keedii 2006 maalin insiin ah waxan fadhiyay hadh subaxeed ah habeen ka hadh oo aad u qabow waxan fadhiyay meherad aan ka shaqayn jiray oo aan joogay , hadhku subaxaa sidisiii hore waa ka qaboobaa waxan cabaayay koob shaah ah oo caano xoolaad leh waxan u fadhiyay si qumaati ah waxaan fadhiyay kursiga yaaala hadhkaa qabow ee habeen ka hadhka ah waxan marayay isla xiligaasi aan kursiga ku fadhiyay wadanka ethiopia waxaanan usii safraayay sudan hadana isla markiiba waan ka baxay oo waxaan galay wadanka talyaaniga waaban ka sii baxay oo hadana waxaan siii galay wadanka cariga ingiriiska waxaaasi oo dhan isla malin qudha ayaan isu maray waaan riyoonayay shaw ee waxaan fadhiyaa kursigiii meherada horteeda waxaan ku war helay inankii shaaha ii keenay ee maqaaxida oo i waydiiinaaya lacagtii shaaha lacagtii shaaha ayaan iska bixiyay waxanan ka kacay kursigii aan ku fadhiyay .
waxaana aan u kacay xagaa iyo gurigii waxaanan ka soo qaatay waxoogaa maryo ah oo aan si qarsoodi ah ku soo qaatay cid aan u sheegay inaan safraayana ma jirin waxaan dacal ka dhaafay meheradii waxaana aan afka saaray dhanka istaanka baabuurta hargaisa u baxada laga raaco isla markiiba waxaan gaadhay istaankii waxanan ka gartay nin kaari ah oo aan aqaanay oo jawaan la dhaho jawaan waan salaamay waxanan waydiiyay inuu jiro gaadhi hada deg deg ah oo hargaisa u baxaaya waxaana uu iisheegay inuu hada baxaayo bus yar ooo nooca caasiga loo yaqaano waxaan ka kiraystay kursi baskii waanan soo raacay waxaan siii xasuustaa inaan baska soo raacay oo aan biyo aad u macaan oo la odhan jiray ;maaxada ;; aan ka sii ibsaday dukaan ku yaalay koonaha magalada burco sidoo kale waxan sii xasuustaa anigoo dhankaa iyo magaaladii gacanta usiii taagayay oo ku baaqaya bay bay iyo nabadiino waxan galabtii maqribkii soo gaadhay hargaisa waxaanan habeenkii u hoyday hargaisa habeenkiii oo dhan wan soo jeeday waxana aan sugayay inuu baryo waagu habeenkaasi waa uu ka dheeraa habeenada caadiga ah waayo markaad musaafir tahay waxaaad jecelashay inaad dheerayso marka aaad tahriibaysana waaba ka sii xag jirtaa aniguna waaban baxsanayay waxan ka cararayayna maan garanaynin .
KA BIXII WADANKA.
hadaba waxaa baryay waagii subaxasina waxaa kowsatay bishii ugust waxan tagay istaanka wajaale ee magaalada hargaisa isla subaxiiina waxaan ka raacay gaaadhi yar oo xaajiyad ah oo usii jeeda magalada wajaale ee xadka ethiopia hadaba maalintii aan ka soo dheemaalay burco iyo subixii aan hargaisa ka soo kalahay ayaa waxa ay ahayeen ayaamihii ugu horeyay tahriibta waayo waxan ahaa mid ka baxsanaya dhulkii hooyo doora moodaaya inuu qurbe qiime leeyahay iyo inay tahriibtu tahay wax faa,iido lagu gaadho ; waxaan gaadhay wajaale oo ah xadka ethiopia ciidii somaliana sidaasi ayaan kaga dhamaaday waxana ku sii macasalameyay halkaasi dhulkii lagu magacaabi jiray somalia : haba maalinkasi aan wajale aan gaadhay ayaa waxaa ay ahayd maalin aad iyo aaad u dheer waxay ahayd maalin aan ubaxay safar dheer oo aan dhamaad lahayn sidoo kale waxaan bilaabayay safar aan xuduud lahayn sidoo kale safarkaasi waxa uu noqon karaa mid haduu doono lagu dhiman karo hadii uu ugu sahladana waa hadii aad dhib mudato oo aad adigoo aan waxba ka noolayn aad ka bad baadid waayo waxaan marayaa wadamokale duwan oo aan bilaaa sharci ku maraayo sidoo kale waxaan marayaa saxare aan la sooo koobi karin qiyaastiisa sidoo kale waxan marayaa badd iyana waxba ka sii daran oo marka saxaraha loo eego iyadu kaba daran waxaasi oo dhami horta waxa ka horeeya horta sidee ku gaadha waayo markaad tahriibe tahay wax sharci ah ma sidatid iyo dal ku gal toona :
waxaan soo gaadhay wajaale waxan gaadhiga kaga dagay dhanka somalida waxaana aan u sii gudbay dhankii ethiopianka waxaan ka raacay gaadhi bus ah oo aad iyo aad u jajaban oo qoro qoro ah oo ay ka buuxaan dad aad u qaab daran oo ethiopian ah oo af xabashi ku hadlaaya maalinkaasi ayaan bilaabay laaji nimadii iigu horaysay sidoo kale waxaan malinkaasi bilaabay habeen dheer oo aan waa lahayn waguna waxa uu bariyi karaa markad ku soo noqotay dhulkaagii hooyo ee aad ku dhalatay hadaba maalinkaasi ayaaan ku kowsaday liiska laajinimada sidoo kale waxaan ku biiray bahda tahriibayaasha iyo sidoo kale bahda qaxootiga ilaa iyo manta waxaan ahay bahda qaxootiga goortan muwaadin noqonaayana garan maayo sidoo kale wali waxaan ku jiraa habeenkii dheeraa goorta waa baryi doonana alle ayaa yaqaan haba waxaan filayaa umadi hadii ay dhulkeeda ka yaacdo waxaa ay iskaga jiraan habeen dheer laakiin ilaa iyo maanta dhalin yaro badan oo tahriiba yaasha ka mid ahi ma ogsoona inay yihiin dad ku jira habeen dheer sidoo kale waxaaba intooda badani ay u haystaan inay gaadhen guul ayna ku guulaysteen gool ay ku dadaaleen ooo ay heer sare gaadheen oo ay tahriibtii ka faa iideen darajo sare hadaba taasi maaha mid saxda ah ee waxaa sidaasi aamisan ninka indhaw garadka ah laakiin ruuxii indheer garad ahi isagu waa garanayaa waxaa sidoo kale dhacday inay dhalin yaro badani ka dib markii ay dhaafeen dhibkii iyo rafaadkii tahriibta inay ugu baaqeen dadkii ka fayoobaa tahriibta oo ay ugu sheegeen wado lagu faa ,iido oo ah mid u dhaanta dhulka hooyo sidaaasina maaha ee qofka sidaasi yeelaya waa mid indhaw garad ah oo aan fahmaynin qodaxda hoostiisa taala iyo dhibka uusii maray u haysta inuu ku gaadhay nolol fiican hadaba ta dhabta ahi waxay tahay inaanu waddadii tahriibta ku gaadhaynay inaanu qaxooti noqono oo aanu dad inala mid ah oo dhulkoodii jooga aanu u galay oo aanu bustayashoodii ku cidhidhiinay oo halkaasi aanu qaxooti ku nahay ::
hadaba waxba yaan hadalka badani waxaa uu baskii jajabnaa igala baxay wajaale waxana uu istaagay koonaha magaalada si loo jeegareeyo dadka iyo basboradooda waxaana ay dadkii oo dha mi u dageen dhulka oo qof kasta waxaa uu la soo baxay basborkiisii laakiin anigu nasiib xumo maan haysanin basbor aan dhiibto waxana uu ninkii dadka jeegaraynayay iga qaaday lacag laaluush ah siddaasina ayaan ku dhaafay istabtii waxaan sidoo kale istabtaasi igu qabsatay oday ay ka soo baxsatay inantiisii yarad oo iyana sidayda oo kale soo baxsatay oo tahriibayaysay odaygiibana anigii i dhibay oo yidhi inantaydii adaa soo kaxeeyay oo iga soo daraafsadee iisheg xagay martay odaygiina waabanu isku dhibtoonay laakiin waa iga tagay markay u cadaatay inaan waxba ka wadanin , waxaan soo gaadhay isla duhurkii magalada jig jiga ee wadanka ethiopia cidna ka garan maayo waxanan rabay inan adiis usii baxo hadaba bartii aan kaga dagay baska ayan ka helay nin af somali ku hadlaaya waxaana uu ila badi doonay gaadhi adis u socda isla markiibana waa isaaray waxaana aan markiiba u baxay adiis habeenkii oo dhan ayaa gaadhigii sii socday dadka waxba ka af garan maayo hadiiba adiis basku igeeyo waxan ka aqaan ma jiro sheekadadyadu waa ;;alle ayaa wata oo wehel uma baahna ;; haba habeenkii oo dhan meel kasta oo kontarool ah gaadhigu isaga soo taago anigu waxaan bixinayay lacag laaluush ah oo ila sadex jeer ka badan tii aan gaadhiga ku soo raacay taasina waa dhibkii iigu yaraa ee iga soo gaadhay tahriibta intaan maraay .waxaan habeenkii oo dhan gaadhigii sii guureeyoba waxanu subixii soo gaadhnay caasimada ethiopia ee adiis subixii 2aad ee bishii ugust 2006 subaxaasi ayaan adiis soo galay ethiopiana waxa ay ahayd wadankii iigu horeeyay ee aan soo galo waxaan adiis soo gaadhay cidina kama aqaano hadana waxaa la yidhi .gaashaan qaad ma anbado . ee waxaan helay niman somali ah kuwii ayaan raacay waxaana aan ugu waramay arinkaan u socdaa inuu yahay tahriib , nimankiii inta is eegeen ayaa ay idheheen wadadaa aad ku socotid waa lagu dhintaaye maaad iska daysay laakiin anigu waxan ugu jawaabay saxibayaal hadaf ayaan leeyahaye ha iga dhex galin sidaasi ayan ugu jawaabay wax tallo ahna kamaan dhagaysanin .
habeenkii waxan raacay nimankii oo aan la hurda tagay subixii markii waagu baryayna nimankii ayaa ii sheegay inaanay iyagu siyaabaha loo tahriibo la soconin balse ay jiraan suuqyo la dhaho suuqa tahriibayaasha kaasina ay igaynayaan ; sidii ayaana ay yeeleen oo waxa ay iigeeyeen nin oday ah oo somali ah oo ah masuul isagu taakuleeya dadka tahriiba ninkii aayanu is baranayn iina sheegay inaan tahriiba inay tahay wax fudud wado kastana uu isagu furaheeda hayo runtii waaan farxay waayo waxaan helay nin igu raacsan mabdani aan ku socodo : waxaana uu odaygii iisheegay markaan adiis joogo sidii aan sudan ugu sii gudbi lahaa inay tahay wado sahlan oo uuu isaguna maalin kasta uu diro dad somali ah oo ay dadbeed shan casho ka dib sudan kala soo hadlaan iyagoo nabad tagay hadaba odaygii ayaan waydiiyay bal inay jiraan dad iyana sidayda oo kale diyaar ah oo tagaaya oo usii jeeda dhanka iyo sudan waxaana uu iisheegay inay jiraan siddeed ruux oo kale oo iyana diyaar ah waana ii geeyay sideed qof oo kale oo somali ah ayaa uu iigeeyay waxaaana uu iisheegay inuu na diraayo habeen danbe oo uu caawana uu noo raadinayo ninkii gambeelka ahaa ee na tahriibin lahaa sidaasi ayaa uu noo shegay oo aanu habeenkaasi ku baaqanay hadaba waxan waraystay sideed ruux ee kale ee aan meessha ugu imi oo iyana sidayda qabar maafish ah oo aan wax war ah igu dhaamin dariiqada tahriibta iyo jidka la marayo toona oo iyana sidayda iska lugaynaaya oo xaalkoodu yahay alle ayaa wata oo wehel uma baahna .
waxay socoto sheekadu habeenkii uu odaygu noo qabtay ayaa la gaadhay waxana aanu kulanay odaygii isagoo noo wada ninkii dal yaqaanka ahaa amaba gambeelka ahaa ninkiina waa iskaaaya baray waxaana uu ninku noo sheegay in lagu magacaaabo ..john.. ninkii waanu isbaranay waxaana uu noo sheegay inuu noqon doono af,hayenka na kaxayn doona ee na gayn doona wadana sudan ilaa ethiopia jidka la marayana uu isagu ka masuul yahay oo uu yahay nin jidka kala yaqaaana oo isagu u dhashay