dhibaatada tahriibta & samayntaay ku leedahaydalke

  • Home
  • the flowers
  • muxaadirooyin
  • africa geography
  • history of somalia
  • somaliland presidential election 2003
  • animal pictures
  • 24 Hours in the Life of a Muslim
  • all africa flags
  • maahmaaho somaliya
  • Silsiladda Taariikhda Islaamka
  • gabayada
  • guurkii-dhexmaray-jinka-iyo-insiga
  • suaalo iyo jawaabo diini ah
  • maansooyin
  • photos
  • new histories
  • sheekooyin
  • qiso dhab ah
  • learn english grammar in 10 days
  • islamic-and-somali-links
  • social photos
  • tahriibta
  • xajka
  • salaadda
  • islamic topics
  • the holly month of ramadan
  • TYPES OF SADAQAH
 

www.dazzlejunction.com

 DHAXALKII TAHRIIBTA IYO DHACDADII LA SOO MARAY.

 

Waa  qiso la yaab  loo  qoraagaa diyaarshoo qalinaa saxeesoo  qarnigaa  markhaati ah

 

Sheekadani la magac baxday dhaxalkii tahriibt iyo dhacdadiib la soo maray  ayaa waxa ay tahay   sheeko ama  taariikh ku tusaysa  mid ka mid  ah wadooyinka    ay  dadka somaliyed  ee wakhtigani  xaadirka ahi joga ay ku safaraan  amaba  waa sheeko   kuu soo  bandhigaysa   bal hada    dadka somaliyeed ee  tahriibaa  siyaabaha ay  u tahriibaan iyo waxyaabaha ay la kulmaan   sheekadani aya  waxa ay  tahay  mid ka dheer  mala awaal iyo  beentoona  waana sheeko ah  waxaan shaahid ku soo arkay   hadaba aduunka  marka laga shekaynaayo  waxaa loo  qaybiyaa waxan usoo  joogay iyowaxaaan usoo  joogay kii usoo joogay  hadaba  tani maaha waxaan usoo joogay kiii usooo  joogay   ee waxa weeeye   waxaan u soo joogay   Somalidu waxaaa ay ku maahmaahdaa ,, aduun waaa sheeko iyo shaahid ;; sheekadani waaa shaahid iyo waxaan indhahayga ku soo arkay  sidoo kale waxan usoo  joogay waxaan ku dar daray ma jiraan  ilaa w axaan ka tagay mooyaane

Qoraalkani aan halkani idiin ku soo bandhigayaa  ayaa  waxa uu yahay  mid ku tusaaya   xaqiiqada iyo nolosha dhabta ah ee ay dadkani maraan iyo  nolosha ay    ku suganyihiin iyo waaqiciga jira ee ay dadkani maraan hadaba nolosha iyo  adagyga amaba jileeca  ay ledahay nolosha   ay maraan dadka  muhaajiriinta ah  ee  somaliyeed amaba hadii aan si kale u dhigo   dadka  tahriibta ah ayaa waxa ay tahay  mid aan   caadi ahayn  waxaana  ay  noqdeeen   qaar ku sii badanaaya ama    dariiqada  tahriibtu ayaa waxaa ay noqotay mid   sanadadiii ugu danbeyay   qof kasta iyo  qoys kasta oo ku nool somaliya mid saamaysa  sidoo kale waxaa ay noqotay mid  uu qof kasta oo dhalinyaro ah  oo somaliyeed ooo  wiil ama  gabadhaba ha ahaate   tahriibtu waxa ay noqotay mid ay ku fakaraan ama maskaxahoooda ka dhex guuxda oo   ay noqotay cudur  ay  dhalinyaradu qaado ama waxa uu noqday  cudur xun oo waliba  faafa  oo aan  la jooojin  karin  oo  qofba ka  kale uu usii gudbiyo hadaba tahriibku waxaa ay noqotay cudur aan ilaa iyo  maanta  dawo loo haynin    dadka sanad kasta ku baxa ee   darteed  nafahoooda u waayaana ay boqolaal yihiin kuwa   ku bad baadaana ay  kumanaan yihiin    kuwa ay  saamaysaana ay  yihiin     malaayiin  waayo qoys  kastaa waxaa ka  maqan  qaar ka mid  ah kuwaasi dhintay ama   bad baaday ama jeelasha ka buuxa  hadaba tahriibtu ama tacabirku  maaha  mid aan  maanta halkani idin ku baraayo  waana war laga wada dharagsanyahay eee waxaa uu u baahanyahay bal  hada qof  isagu  tacabiray ooo  ka sheekeeyay   bal xaaladaha dhabta ah dadku  badanaa marka  ay  tacabiraan   sida iska  caadada ah  waxa ay  dhahaan ama marka  la su ,aalo sideee  buu ahaa   tacabirkii ama  tahriibtii aad marteen waxaa ay ku  jawabaan oo kali ah   waa uu dhib badanaa ama waxa uu ahaa wax   aad iyo aad u adag    ama   waxaa ay ku dhaafaan oo kali ah  iska   caad  ayuu ahaa  hadaba  qofkani  tacabiray waa qof soo  maray dhib lama ilaawaan ah  oo  nooc kastaba  leh oo  waxa  kali ah ee uu ka bad baday  ay tahay    naf bax ama dhimasho sidaasi  darteed ayaanay   dadka ka        soo hadha    mawjadaha   tacabirka   ee aan ku dhimanin sidaasi ayaa aaanay war  buuxan badanaa uga  bixin  waayo  qof  ma jeclaysto inuuu ka waramo    ayaamihii mahlakada ahaa  ee uu soo dhaafay  sidoo kale ma jeclayso inuu  xasuusto  oo laguna  sooo  kaa kiciyo   ladhkii iyo  boogihii  uu ku   reebay naftiisa   waagii  tahriibta iyo  gudccurkii dheeraa ee   uu dhex lugaynaay waayo   marka aad  tacabire ama  tahriibe  tahay  ma  jiraan  wax  aad  la socotaa waxaad  tahay  qof  gudcur lugaynaayay oo waliba   gudcurka ay kuu dheertahay   baqdin aad ka baqayso    dadka   aad ku dhex safrayso iyo dawladaha aad   shuruucdooda  burburinayso  waayo  maantaad  ciida somaliya ka dhamato aya kuugu danbayso wadan  aad sharci ku dhex marto    waxaanad  tahay  muhaajir  qayra sharci ah ama   tacabire sharci  daro ku socda 

 Waxaaan rabaa   inaan  halkani ku soo bandhigo    taariikh   ama   ayaamo aan soo  maray oo ahaa ayaamo   lama ilaaawan ah oo ahaa ayaamo aan   tacabir amaba    tahriiib aan ka soo bilaabay   geeska africa ilaa  waqooyiga africa ilaa   konfurta yurub ilaa waqooyiga  yurub

Waxaan  ka mid ahaa   ardayda  iskuulada sare  ee magalada  burco  ee gobolka togdher   waxaan in badan  dhagta ka maqlayay in badan oo ardayda iyo  dadka  kale ee bulshada ka mid ah oo  tahriibaaya   sidoo kale waxaan in badan  iyana   indhaha ka arkayay  dad  badan  oo iyana sii socda oo  usii kolonyaysanaya   wadooyinka tahriibta iyo  meel ay  iyagu  dheeef  moodaan  laakiin  xaqiiqdii  ay  dhibaato  taalo waxaan idin badan ka maqlaa  idaacadaha   afka somaliga ku hadla   sida  idaacada bbcda   iyo  qarkale  oo badan  inay  dhintaan ama  badaha   laga soo badbaadiyay dad   muhaajiriin ah  sidoo kale waxaan idaacadahaasi  mararka qaar aan ka dhagaystaa in dad   tacabirayaal ah   la wayay  qaare ay iyagoo  mayd ah ay ka soo  caaryaan  xeebah  badaha  sida  badaha   wadanka italya jasiirada  malta   iyo  sidoo kale   xeebaha wadanka  yemen  hadaba   ma  u baahna inaan warka  tahriibta imika idiin bilaabo waayo qofkasta   waxaaa uuu ka  maqlaa warka   tahriibta idaacadaha kii aan ka maqlina waxaaaba laga  yaaabaa inuu   qoykiisa qof ka mid ihi tahriibta ku  geeriyooday ama  uu ka bad  baaday   hadaba waxan rabaa inaan idiiin ka  waramo  aniga oo  tahriibay  waxaana ay u dhacday sidani  iyo wixii aan  kala kulmay iyo bal waxa ay ku  dhamaatay la soco ;;;;


                                  BILOWGII SAFARKA. :::::

 

  waxaa  ay ahayd    oo kali ah  subax ay  bishu ahayd   bishii 7aad 31 keedii  2006 maalin insiin ah  waxan  fadhiyay   hadh subaxeed ah   habeen  ka hadh oo aad u qabow waxan  fadhiyay  meherad aan ka shaqayn jiray  oo  aan  joogay ,  hadhku subaxaa sidisiii hore  waa ka qaboobaa waxan    cabaayay   koob shaah ah oo  caano xoolaad leh  waxan u fadhiyay  si   qumaati ah waxaan fadhiyay   kursiga    yaaala  hadhkaa qabow  ee habeen ka hadhka ah   waxan    marayay  isla xiligaasi   aan  kursiga ku  fadhiyay     wadanka ethiopia  waxaanan usii safraayay    sudan   hadana  isla markiiba   waan ka baxay oo waxaan   galay   wadanka talyaaniga waaban ka sii baxay oo hadana waxaan siii  galay wadanka  cariga ingiriiska  waxaaasi oo dhan    isla malin qudha  ayaan isu maray  waaan   riyoonayay  shaw ee waxaan  fadhiyaa  kursigiii  meherada horteeda  waxaan ku war helay inankii shaaha ii   keenay ee maqaaxida oo  i waydiiinaaya  lacagtii shaaha    lacagtii shaaha ayaan iska bixiyay waxanan ka kacay kursigii aan ku  fadhiyay .

waxaana aan  u kacay xagaa iyo gurigii  waxaanan  ka soo qaatay waxoogaa  maryo ah    oo aan si  qarsoodi ah ku soo qaatay cid  aan u sheegay inaan safraayana ma  jirin    waxaan  dacal ka   dhaafay meheradii waxaana aan  afka saaray  dhanka  istaanka  baabuurta hargaisa u baxada  laga  raaco isla  markiiba waxaan gaadhay   istaankii waxanan ka  gartay nin   kaari ah oo aan  aqaanay oo jawaan la dhaho  jawaan waan salaamay waxanan  waydiiyay inuu jiro  gaadhi  hada deg deg ah oo hargaisa u  baxaaya  waxaana uu iisheegay inuu hada baxaayo bus  yar ooo nooca   caasiga loo yaqaano   waxaan  ka  kiraystay  kursi    baskii   waanan soo  raacay   waxaan siii   xasuustaa inaan  baska   soo  raacay oo aan  biyo   aad u macaan oo la odhan jiray ;maaxada ;; aan ka sii ibsaday   dukaan ku  yaalay   koonaha     magalada  burco sidoo kale waxan sii xasuustaa anigoo    dhankaa iyo  magaaladii  gacanta usiii  taagayay oo ku baaqaya  bay bay   iyo nabadiino   waxan   galabtii  maqribkii soo  gaadhay    hargaisa  waxaanan  habeenkii u hoyday   hargaisa   habeenkiii oo dhan  wan soo jeeday  waxana aan sugayay  inuu   baryo  waagu   habeenkaasi    waa uu  ka dheeraa habeenada  caadiga ah waayo    markaad  musaafir tahay     waxaaad  jecelashay inaad   dheerayso marka aaad  tahriibaysana  waaba ka sii  xag jirtaa aniguna waaban  baxsanayay  waxan ka  cararayayna  maan  garanaynin .

 

 

KA BIXII WADANKA.

 

 hadaba   waxaa  baryay  waagii   subaxasina waxaa  kowsatay  bishii ugust     waxan    tagay istaanka wajaale ee  magaalada hargaisa  isla subaxiiina waxaan ka  raacay  gaaadhi yar oo  xaajiyad  ah oo  usii  jeeda    magalada  wajaale  ee  xadka  ethiopia   hadaba  maalintii aan   ka soo dheemaalay  burco iyo subixii aan  hargaisa ka soo kalahay  ayaa waxa ay ahayeen ayaamihii  ugu horeyay tahriibta  waayo waxan ahaa mid ka  baxsanaya  dhulkii hooyo doora moodaaya inuu qurbe qiime  leeyahay iyo inay  tahriibtu  tahay wax   faa,iido  lagu gaadho ; waxaan  gaadhay wajaale  oo ah xadka  ethiopia    ciidii  somaliana sidaasi ayaan  kaga dhamaaday    waxana  ku sii  macasalameyay halkaasi  dhulkii    lagu  magacaabi jiray somalia :  haba     maalinkasi  aan  wajale aan   gaadhay ayaa waxaa ay ahayd  maalin aad iyo aaad u dheer waxay ahayd   maalin aan  ubaxay   safar dheer oo aan dhamaad  lahayn sidoo kale waxaan bilaabayay    safar aan   xuduud  lahayn   sidoo kale safarkaasi waxa  uu noqon karaa mid  haduu doono lagu dhiman karo hadii uu ugu sahladana waa hadii aad  dhib  mudato oo aad  adigoo aan waxba ka noolayn   aad ka bad baadid waayo waxaan  marayaa wadamokale  duwan oo aan  bilaaa  sharci ku  maraayo sidoo kale waxaan marayaa  saxare aan la sooo koobi karin qiyaastiisa  sidoo kale waxan  marayaa   badd  iyana waxba ka sii  daran oo   marka saxaraha loo  eego iyadu  kaba daran  waxaasi oo dhami horta waxa  ka  horeeya   horta sidee ku  gaadha  waayo  markaad  tahriibe  tahay  wax  sharci ah ma sidatid iyo dal ku  gal  toona :

waxaan  soo  gaadhay   wajaale  waxan gaadhiga  kaga dagay  dhanka  somalida  waxaana aan   u sii  gudbay dhankii  ethiopianka  waxaan ka  raacay   gaadhi  bus  ah oo aad iyo aad u   jajaban oo    qoro qoro ah oo    ay  ka buuxaan    dad  aad u   qaab daran oo  ethiopian ah oo  af  xabashi ku hadlaaya      maalinkaasi ayaan  bilaabay   laaji nimadii iigu horaysay sidoo kale   waxaan malinkaasi bilaabay   habeen  dheer oo aan waa  lahayn  waguna   waxa uu  bariyi karaa markad  ku soo noqotay   dhulkaagii  hooyo ee aad ku dhalatay hadaba      maalinkaasi ayaaan    ku  kowsaday  liiska  laajinimada sidoo kale waxaan ku biiray  bahda   tahriibayaasha iyo sidoo kale  bahda    qaxootiga  ilaa iyo  manta waxaan ahay  bahda    qaxootiga   goortan muwaadin noqonaayana  garan maayo sidoo kale wali waxaan ku jiraa   habeenkii dheeraa  goorta waa  baryi doonana alle ayaa  yaqaan  haba  waxaan  filayaa umadi hadii  ay   dhulkeeda ka  yaacdo waxaa  ay  iskaga jiraan  habeen dheer  laakiin ilaa iyo   maanta dhalin yaro badan oo  tahriiba yaasha ka mid ahi  ma ogsoona inay   yihiin  dad ku jira  habeen dheer sidoo kale  waxaaba    intooda badani ay u haystaan inay   gaadhen  guul  ayna ku guulaysteen   gool ay    ku dadaaleen ooo ay  heer sare  gaadheen oo ay  tahriibtii ka  faa iideen   darajo sare hadaba  taasi maaha   mid  saxda ah  ee  waxaa  sidaasi  aamisan ninka indhaw    garadka ah  laakiin   ruuxii  indheer  garad ahi  isagu waa garanayaa   waxaa sidoo kale  dhacday inay dhalin  yaro badani  ka dib   markii ay dhaafeen dhibkii iyo  rafaadkii   tahriibta inay   ugu  baaqeen  dadkii    ka  fayoobaa  tahriibta oo ay  ugu sheegeen wado  lagu faa ,iido oo ah    mid   u dhaanta dhulka  hooyo    sidaaasina maaha  ee      qofka sidaasi   yeelaya waa  mid indhaw  garad ah oo aan  fahmaynin   qodaxda  hoostiisa    taala iyo dhibka  uusii  maray  u haysta  inuu ku   gaadhay nolol  fiican   hadaba  ta dhabta ahi      waxay tahay  inaanu  waddadii   tahriibta ku  gaadhaynay inaanu   qaxooti noqono oo aanu   dad inala  mid ah oo dhulkoodii jooga aanu   u galay oo aanu  bustayashoodii ku cidhidhiinay  oo  halkaasi aanu  qaxooti ku nahay ::

 hadaba   waxba   yaan    hadalka badani    waxaa uu  baskii  jajabnaa  igala baxay  wajaale  waxana  uu istaagay  koonaha   magaalada si  loo     jeegareeyo dadka iyo   basboradooda    waxaana ay dadkii oo dha mi u dageen  dhulka oo   qof kasta waxaa uu   la soo baxay   basborkiisii   laakiin anigu nasiib xumo  maan haysanin   basbor aan   dhiibto  waxana uu ninkii   dadka    jeegaraynayay iga qaaday  lacag  laaluush ah   siddaasina ayaan ku dhaafay  istabtii   waxaan sidoo kale  istabtaasi igu   qabsatay oday  ay ka soo  baxsatay inantiisii  yarad oo  iyana sidayda oo kale    soo  baxsatay oo  tahriibayaysay  odaygiibana anigii i dhibay oo yidhi inantaydii adaa  soo  kaxeeyay oo   iga soo   daraafsadee  iisheg   xagay  martay  odaygiina waabanu isku  dhibtoonay    laakiin  waa  iga  tagay markay u  cadaatay inaan  waxba ka   wadanin , waxaan soo  gaadhay  isla duhurkii magalada  jig jiga  ee wadanka ethiopia   cidna  ka garan maayo  waxanan  rabay inan   adiis usii  baxo  hadaba bartii aan  kaga dagay   baska ayan ka helay   nin af somali ku hadlaaya   waxaana uu ila   badi doonay  gaadhi adis  u socda  isla  markiibana waa isaaray  waxaana aan   markiiba u baxay adiis  habeenkii  oo dhan  ayaa  gaadhigii sii socday  dadka  waxba  ka af garan maayo hadiiba adiis   basku igeeyo  waxan ka aqaan ma jiro  sheekadadyadu  waa ;;alle ayaa  wata oo  wehel uma  baahna ;;   haba   habeenkii oo dhan  meel kasta  oo   kontarool ah  gaadhigu isaga soo  taago anigu waxaan   bixinayay  lacag   laaluush ah oo   ila sadex jeer ka  badan tii aan   gaadhiga ku soo  raacay taasina waa dhibkii iigu  yaraa ee  iga soo gaadhay  tahriibta intaan maraay .waxaan  habeenkii oo dhan   gaadhigii   sii guureeyoba   waxanu subixii soo  gaadhnay  caasimada  ethiopia   ee adiis   subixii 2aad  ee   bishii  ugust 2006  subaxaasi ayaan adiis soo  galay  ethiopiana waxa ay ahayd  wadankii iigu horeeyay ee aan   soo  galo  waxaan adiis  soo  gaadhay  cidina  kama aqaano  hadana waxaa  la yidhi .gaashaan  qaad    ma anbado .  ee waxaan helay niman somali ah  kuwii ayaan  raacay   waxaana aan ugu waramay   arinkaan u socdaa inuu  yahay   tahriib , nimankiii  inta is  eegeen ayaa ay idheheen  wadadaa  aad ku socotid    waa lagu  dhintaaye  maaad  iska   daysay  laakiin anigu waxan  ugu jawaabay   saxibayaal hadaf ayaan leeyahaye     ha iga dhex galin  sidaasi  ayan ugu  jawaabay wax  tallo ahna kamaan dhagaysanin .

 habeenkii waxan   raacay nimankii  oo aan la hurda  tagay  subixii markii  waagu baryayna  nimankii ayaa ii sheegay inaanay iyagu  siyaabaha loo  tahriibo la soconin   balse ay  jiraan suuqyo la dhaho  suuqa   tahriibayaasha kaasina ay igaynayaan ; sidii ayaana ay yeeleen oo waxa ay iigeeyeen  nin  oday ah oo somali ah oo ah    masuul isagu taakuleeya  dadka tahriiba ninkii aayanu is baranayn  iina sheegay inaan  tahriiba  inay  tahay  wax  fudud  wado kastana uu  isagu furaheeda hayo  runtii waaan    farxay  waayo waxaan helay  nin  igu   raacsan mabdani aan ku socodo : waxaana  uu  odaygii iisheegay  markaan adiis joogo   sidii aan  sudan  ugu sii  gudbi lahaa inay tahay   wado  sahlan oo uuu  isaguna  maalin kasta  uu diro  dad  somali ah oo ay dadbeed   shan casho ka dib   sudan   kala soo hadlaan iyagoo   nabad  tagay   hadaba  odaygii ayaan   waydiiyay   bal inay  jiraan dad  iyana sidayda oo  kale  diyaar ah oo tagaaya oo  usii jeeda dhanka iyo sudan   waxaana  uu iisheegay inay jiraan siddeed  ruux oo kale oo iyana diyaar ah       waana ii geeyay   sideed   qof oo kale oo somali ah ayaa uu iigeeyay   waxaaana uu iisheegay inuu  na diraayo  habeen  danbe oo  uu  caawana uu  noo  raadinayo   ninkii   gambeelka ahaa ee  na tahriibin lahaa      sidaasi ayaa  uu noo shegay  oo  aanu  habeenkaasi ku  baaqanay   hadaba waxan  waraystay sideed  ruux  ee kale  ee aan  meessha  ugu   imi oo iyana sidayda   qabar maafish ah oo aan    wax  war ah  igu dhaamin   dariiqada   tahriibta iyo  jidka  la  marayo toona oo  iyana sidayda       iska  lugaynaaya oo  xaalkoodu yahay     alle ayaa  wata  oo wehel  uma  baahna .

waxay socoto sheekadu   habeenkii  uu odaygu noo qabtay ayaa  la  gaadhay   waxana  aanu kulanay odaygii isagoo   noo  wada ninkii  dal yaqaanka ahaa amaba   gambeelka ahaa ninkiina waa  iskaaaya  baray  waxaana  uu ninku noo sheegay  in lagu magacaaabo ..john..  ninkii  waanu  isbaranay  waxaana uu noo sheegay inuu  noqon doono    af,hayenka   na kaxayn doona   ee na gayn doona  wadana  sudan ilaa  ethiopia  jidka  la marayana uu   isagu  ka masuul yahay  oo  uu yahay  nin  jidka kala  yaqaaana oo  isagu  u dhashay

DIY Free Web Design with SynthaSite Design by TLG