![]() |
Guurkii Dhexmaray Jinka Iyo Insiga
Q: 1aad Qiso Dhab Ah
-
Waxa Ka Sheekeeyey Xasan Olol; oo Waxa Waraystay Weriye Liibaan M. Shire Guurkii Dhexmaray Jinka Iyo Insiga , ninka guursaday naagta Jinka ah oo ah nin reer Somaliland ah, waxa magaciisa la yidhaahdaa Xasan Olol Jaamac oo ah oday ay da’diisu tahay 70 jir,
waxa uu hadda ku sugan yahay magaalada Hargeysa
Markaa waxa sidii ay qisadaasi u dhacday kala sheekaystay Liibaan Maaweel Shire oo Haatuf ka tirsan, qisadaas oo ah qiso dhab ah ... Xasan Olol; Wuxuu ahaa nin Somaliland ah oo ku barbaaray magaalada Cadan ee dalka Yamen;
mar uu ku dabaalannayey meel u dhow badda magaalada Xiis; ayey qabsatay qisadan:- Waxay aheyd subax hore 6:00 a.m aroornimo;
Xasan Olol wuxuu dabaal u yimid inuu ku dabaasho xeebta Xiis .
Hadaba markuu waxoogaa dabaalanayey ayuu wuxuu arkay , gabar dabaalaneysa meel u dhow , markuu sii dhugtay ... waaba gabar aad u qurux badan ,
wey u soo yara dhawaatay markaas ayaa waxaa bilaabay inaan la kaftamo,weyna igu xanaaqday markaas bay badda I quusisay, balse Xasan Olol wuxuu modayaa inay insi tahay!
La soco cadadka dambe.
Q: 2aad Qiso Dhab Ah
-
Waxa Ka Sheekeeyey Xasan Olol, Waxaana Waraystay Weriye Liibaan M. Shire Akhristayaal intiinii la socotay qeybtii cadadkii jimcihii hore soo baxay waxaanu idiinku soo gudbinay qiso ka hadlaysa nin insi ah oo guursaday gabadh jina,
ninka guursaday naagta jinka ah oo ah nin reer Somaliland ah, waxa magaciisa la yidhaahdaa Xasan Olol Jaamac oo ah oday ay da’diisu tahay 70 jir, waxa uu hadda ku sugan yahay magaalada Hargeysa, markaa waxa sidii ay qisadaasi u dhacday kala sheekaystay Liibaan Maaweel Shire oo Haatuf ka tirsan, qisadaas oo ah qiso dhab ah oo dhacday waa tan qaybteedii labaad oo uu Xasan Olol kaga sheekaynayo sidii ay gabadhaas jinka ah isku guursadeen.
"Weligay jinow sheekona kuguma maqal shaahidna kuguma arag,
gabadhaasi mar kale ayey hadana badda I quusisay, laakiin markii aan biyihii hal mar cantuugay ayey I sii daysay, dabadeedna waxaan is idhi naagta badda kaga adkaan maysid ee beriga ugu bax,
ka dibna intaan baddii ka baxay ayaan guntiga giijistay oo aan weliba gaabsaday, go’ii kale ee aan tuurta ku sitayna dhexda ayaan ku xidhay, budhkii aan sitayna labada gacmood ayaan ku qabsaday oo waxaan u diyaar garoobay dagaal,
dabadeedna markii ay baddii ka soo baxday ayey iyadoo aan kala jeclayn inaan dad ahay iyo inaan duunyo ahay oo laafyoonaysa oo biyihii timaheeda ka daadinaysa oo shax-shax kaga siinaysa ayey iskay soo agtaagtay markaas ayaan ku idhi "Naa maxaad badda iigu bakhtiinaysay",
aniga oo isleh intaanay maryaha kaa gashan ee ay qaawan tahay beerka kaga deg, laakiin waxay igu tidhi "oo ma iminka ayaan kaaga raynayaa (oo ma'imikaa kuu turayaa)",
markii ay intaa tidhi ayaan budhkii u taagay, balse goor ay iga qaaday iyo goor ay I legaday iyo goor ay budhkii iga tuurtay toona aniga oo aan ogayn ayuun baan arkay iyadoo gacmeheedii midna cunaha igu qabatay, midna labadaydii gacmood, laakiin ima ay ceejine ...waxay igu tidhi "waar mayska tegaysaa, mise kan cad iyo kan madow ayaan ku kala siibaa.
" Markii ay intaasi I gaadhay ayaan anigu is la hadlay oo aan is idhi "Waar heedhe dadku marka uu is laayo waa tii uu isku xiiqi jiray ee goorma ayey gabadhani ku legeday, ushiina kaa tuurtay,dabadeedna aniga oo amakaagsan ayaan iyadii ku idhi "Naa bal I sii daa waan iska tegayaaye",
markaas ayey I sii daysay, ka dibna waan dhaqaaqay, balse markii aan hal cabaar ah sii socday ayaan dib u soo eegay, dabadeedna waxaan arkay iyadoo lebisatay, laakiin jeesigii aan sidaa u eegay saa waa iyadii oo I dhinac taagan,
ka dibna waxaan is idhi "Waar adiga oo dadka u dheerayn jiray kuma ay soo gaadheene ma mid kale ayaa meesha ku sii aasnayd , dhinicii ay iga maraysay mooyee dhinicii kale ayaan eegay mise waa cidla,
aniga oo yaaban markii aan saddex goor talaabsaday ayey gacanteeda garabka iga saartay oo ay igu tidhi "Inaadeer xagee baad ku socotaa".
Ileyn nin cadhaysan oo ay ka adkaatay ayaan ahaye gacanteedii ayaan iska tuuray, ka dibna inta ay i hor qabataysay bay igu tidhi "Waar dadku waana is dilaa, waana heshiiyaaye xagee baad ku socotaa."
Markaas ayaan aniga oo dudaya ku idhi "waxaan ku socdaa Berbera", markaas ayey igu tidhi "Caruur cayntaa ba’day oo Berbera intee baad ku gaadhaysaa",
markaasaan ku idhi "Caawa ama habeen dambe ayaan gaadhayaa," markaas ayey igu tidhi "Toban cisho kuma gaadhaysid ee waxaad yeeshaa reerkayaga oo halkan yaal caawa u sii hoyo, oo halkaa raashinkaaga iyo shaahaaga ku sii karso, ka dibna marka aad nasato meeshii aad ku socatay qabo,
laakiin waxa jirtay in aabeheed hore ugu yidhi aroortii jin iyo insi wixii aad hesho soo kaxayso, waan ogolaaday sheekadii ay ii soo jeedisay oo waxaan ku idhi waayahaye ina mari, ka dibna inta ay gacanta midig iga buuxsatay ayey xagii buurta ii jeedisay, buurtana hadii aanu u lugayno waaga ayaa nooga beryaya oo ma gaadhi karno dusheeda sare, laakiin ila booday iyo ila duushay ma garanayo ee waxaana arkay mar qudha ...anaga oo buurta dusheeddii taagan, dabadeedna niman mawlac (masaajid) ku tukaday oo jin ah ayaa igu soo yaacay,
iyaga oo qaylinaya oo leh "Alla insi bay wadataa", ka dibna inta ay xaggeeda dambe I marisay ayey iyagii af afka Shiinaha u eg kula hadashay, laakiin cabaar markii afkaa kula hadashay ayey hadana af-Somali kula hadashay oo ku tidhi "Aniga may garanaysaan inaan Aamina Suldaan ahay",
waxay ku yidhaahdeen "Haa, waanu ku garanaynaa", markaas ayey hadana ku tidhi "Aabahay ayaa igu yidhi jin iyo insi wixii aad hesho soo kaxayso, markaa wiilkaa yar baan soo helay oo ma taaban kartaan",
ka dibna waxay ku yidhaah deen "Buulkaa ha sii fadhiisto oo yaanu na soo dhexgelin inta aanu aabahaa soo waydiinayno",
dabadeedna buulkii baa la I geliyey, laakiin labada suul ayaan ku fadhiistay oo waxaan is leeyahay marka ay kaa fogaadaan Tow dheh oo jarka buurta iska tuur, ka dibna markii aan cabaar hadalkooda dhegta u sii dhigay ayaan is idhi kaa durkee Tow dheh,
sow buul kanowba gaadh baad iga tahay, ka dibna markii aan orday ayuu buulkii igu soo booday oo futada dhulka iigu dhuftay, waan yaabay, dabadeedna aniga oo fajacsan ayey igu soo noqdeen oo igu yidhaahdeen "Oo ma baxsaad is lahayd", markaas ayaan ku idhi "Maya ismaan odhan baxso", ka dibna waa lay kaxeeyey,
waxaana lay geeyey meel dayr leh... oo ay Kebdo iyo cawsas ku wareegsan yihiin oo weliba iftiimaysa, isla markaana ay wax waliba yaaliin, markii albaabka meeshaa lay soo taagay ayaan ku idhi Asalaama calaykum" ... waxay iigu jawaabeen "Wa’calaykum Salaam",
markaas ayaa laygu yidhi soo soco oo suldaankii waa kaa dhexda fadhiya ee salaan ,
ka dibna intaan kabihii iska bixiyey ayaan suldaankii gacan qaaday.
Markaas ayuu suldaankii furaashkii uu ku fadhiyey inta uu cagihiisa laabtay agtiisa I fadhiisiyey, wuxuuna yidhi koob shaah ah oo bigays ah u soo shuba,
ka dibna waa lay soo shubay, waana cabay shaahii, balse markii aan shaahii cabay ayaan idhi biyo aan cabo ii soo shuba, markaas ayuu suldaankii yidhi "biyo iyo caano halusugu shubo maanta oo dhan ayuu soconayey oo wuu beer-xoormayaaye, ka dibna intii ayaa cabay,
markaas ayaan dhididay, ka dibna markii aan qaboobay ayuu suldaankii igu yidhi "Waaryaa Xasan Olol", markaas ayaan is idhi "waar ninku aabahaa Olol garanayaa, markaas ayaan ku idhi Hee, ka dibna wuxuu igu yidhi "Aamina ma wada socoteen", ka dibna waxaan suldaankii ku idhi "Aamini ma gabadhan ila socotay baa", markaas ayuu igu yidhi "haa",
hadana wuxuu igu yidhi "Oo maxay ku soo tidhi", markaas ayaan ku idhi waxay igu tidhi "reerkayaga caawa u sii hoyo oo ku sii raashin karso, ka dibna meeshii aad ku socotay u sii ambabax", dabadeedna suldaankii wuxuu la hadlay gabadhiisii oo halkan aloolka dabadiisa taagan oo uu ku yidhi "Aamina ma caynkaas baa. "
Ka dibna Aamina waxay aabeheed ku tidhi "Aabe si kale ayaanu igu soo raaceyn oo sidaas ayaan ku soo kaxeeyey", odaygii suldaankii ayaa hadana xagaygii u soo jeestay oo igu yidhi "Waaryaa Xasan Olol gabadhu way ku rabtaa ee adigu ma rabtaa",
markaas ayaan is idhi waar ma nimankii aad buulkooda ka baxsan kari wayday ayaad maya odhan karaysaa, ka dibna aniga oo baqaya ayaan ku idhi "haa waan rabaaye aan reerkayagii xoollo kaaga doono",
markaas ayuu yidhi suldaankii "Anaga xoollo nalama siiyo ee anaga ayaa bixina ee gabadhii ma rabtaa", Haa ayaan dabadeedna idhi.
Ka dibna suldaankii nin gadhweynleh oo meesha fadhiyey oo uu Sheekh Cumar ugu yeedhay ayuu ku yidhi "Sheekh Cumarow anigu gabadha aabeheed ayaan ahaye, wiilku waa wiil yare wakiil u noqo,"
ka dibna sheekhii ayaa igu yidhi "Xasanow ma I wakiilatay" markaa da’daydu 15 jir ayey ahayd, Haa ayaan ku idhi oo Sheekhii ayaan wakiishay, dabadeedna suldaankii iyo sheekhii ayaa gacmaha isa saaray oo wixii meher ahaan jiray dhameeyey,
laakiin intii uu meherku socday ayaa aqal weyn oo ilaaxidh leh la dhisay.
Waxa kale oo lay keenay dhar aanan weligay arag oo xariir ah oo ay ka mid yihiin Go’ shaal ah, macawis abusarando ah, koodh iyo cimaamad.
Ka dibna waxa lay siiyey biyo aan ku soo maydho, ka dibna markii aan soo maydhay ee aan soo lebistay ayaan anigii is daawaday ileyn waxaan sitaa lebis igu cusub oo aanan weligay xidhan.
Suldaankii ayaa laba wiil ku yidhi alaabtiisa u qaada oo gurigiisa geeya, dabadeedna wiilashii ayaa I kaxeeyey oo gurigii I geeyey, soo gal ayay igu yidhaahdeeen, markii aan galayna waxaan arkay guri wada kaahaya, isla markaana aanu faynuus iyo tiriig toona ka baxayn, ka dibna aniga oo gurigii daadaawanaya ayaan maqlay shalaad iyo qasiidooyin sooo baxaya "hoy nebow... nuur allaw... Maxamed Nebi... magac samaw".
Markaas ayaan is idhi wallee tii Aamina ayaa la soo wadaa, ka dibna aniga oo halkii taagan ayey Aamina oo ay laba gabdhood gelbinayaan aqalkii dalaq soo yidhaahdeen, markaas ayey Aamina igu tidhi waar maxaa meesha ku taagay, markaas ayaan aniga oo istiilaya ku idhi "Dee adiga ayaan ku sugayey", ka dibna markaas ayey igu tidhi "waa yahay" ,
waxayna iga bixisay maryihii aan sitay oo waxay igu soo reebtay garran iyo macawis keliya, wayna I fadhiisisay, laakiin markii aan fadhiistay ayaan si kaftan ah ugu idhi "Waadigan malxiisadda wata’e aan aniguna malxiis doonto",
markaas ayey igu tidhi, "Anaga ayaa kuu malxiis ahe iimaanso."
La soco cadadka dambe.
Q: 3aad Qiso Dhab Ah
-
Waxa Ka Sheekeeyey Xasan Olol; Waxa Waraystay Weriye Liibaan M. Shire Akhristayaal, iyadoo aanu qaybtii koowaad iyo qaybtii labaad ee qisadan oo ah qiso dhab ah oo dhacday idiinku soo gudbinay labadii cadad ee kan ka horeeyey
waa tanna qaybtii saddexaad oo uu Xasan Olol Jaamac (ninka naagta jinka ah guursaday oo hadda oday da’diisu tahay 70 jir) kaga sheekaynayo sidii ay gabadha jinka ah isu guursadeen.
"Markii ay igu tidhi iimaanso anagaa kuu malxiis ahe, aniguna waayahay ayaan ku idhi,
laakiin markii Aamina waxoogaa sheekay sanaynay ayaa sanqadhi soo baxday, ka dibna waxa naloo keenay raashin lagu soo guray weel qori ah sida xeedhyaha oo kale, raashinkaasina waxa uu ahaa mid kala nooc nooc ah, dabadeedna aniga, Aamina iyo gabdhihii malxiisadaha ahaa ayaa halkii raashinkii ku wada cunay, ka dibna ilayn waxaan ahay nin aan maanta oo dhan waxba cunin oo gaajoonaya’e , waxaan markiiba cabbay caano gadhoodh ah iyo hadhuudh ku jira,
laakiin markii aanu raashinkii dhamaantayo wada cunay ee weelkii la celinayey ayey Aamina Suldaan hillibkii ka reebtay jeeni iyo awlal, anigu raashinkaa iyo weelkaa cid keentay iyo cid weelka guraysa midna ma arko, mana aqaanno, intaa ka dib Aamina way I kaxaysay oo waxay I geysay halkii aanu seexanaynay,
ka dibna labadii malxiisadood waa la fasaxay, waxayna nagu yidhaahdeen nabadgelyo ilayn aroos laguma raago, lagamana raago".
Intaa ka dibna Aamina waxay I siisay Go’ aan guntado, isla markaana macawistii iyo garrankii waxay ku dartay maryihii ay markii hore iga bixisay, iyaduna wixii ay dahab xidhnayd ayey iska bixisay, dabadeedna waanu iska sheekaysanay,
markaas ayey igu tidhi "Xasanow aabahaa iyo hooyadaa aniga ayaa caawa kaa xiga, adiguna sidoo kale adiga ayaa iga xiga aabahay iyo hooyaday, waayo nin iyo naagtii ayeynu noqonay, markaa waxaad yeeshaa horta meeshan aad hadda joogto bismilayso,
ta kale marka ay da’daadu gaadho 25 jir waxaanu ku siinaynaa koofiyad, koofiyadaas oo ah mid aad adigu dadka arkayso, laakiin aanay iyagu ku arkayn, waxa kale oo aanu ku siinaynaa fargal aad farta gashato, fargalkaasna waxaad u isticmaalayso marka aad damacdo inaad meel tagtid, fargalkaas ayaadna xoqaysaa, ka dibna waxaad arkaysaa adiga oo meeshii aad doonaysay taagan meelkasta ha ahaatee, waxa kale oo aanu ku baraynaa inta dhir arlada ku taal iyo nooca dawo iyo dabiib ee ay dhirtaasi leeyihiin.
Waxa kale oo aanu ku baraynaa inta af ee adduunka lagaga hadlo hadii ay tahay af islaam iyo hadii ay tahay af gaalo,
Hadii aan waqtigaa caqli leeyahay wixii ay Aamina ii sheegaysay waan ka faa’iidaysan lahaa,
laakiin waxa ay ii sheegayso oo dhan riwaayad ayey ila ahayd, waayo inta aan aqoontaas oo dhan ka barto oo aan kala hadho ayaan maanta ka faa’iidaysan lahaa.
Arintu sida ay doonto ha ahaatee aniga iyo Aamina habeenkaas oo dhan waxaanu ahayn qoys cusub oo waanu iska sheekaysanaynay, ka dibna markii waagu soo beryayey ee salaadii subax la adimayey ayey Aamina igu tidhi "Xasanow orod oo soo maydho" dabadeedna waan soo maydhayna Aamina gogol ayey gurtay oo ay ii geysay geed-weyn oo guriga hortiisa ah, waxa kale oo ay geedkii ii geysay quraacdii iyo qadadii ,
ka dibna waxay igu tidhi "Nabadgelyo habeenkii ayeynu wax isu nahaye", dabadeedna waxaan ku idhi "Oo maxaa dhacay sowdigii shalayba badda igula dagaalamayey", waxay iigu jawaabtay "Shalay amar baan haystay, laakiin waqtigan amarkii ma haysto", ka dibna way iska tagtay,
aniguna ilayn xalay oo dhan nin soo jeeday baan ahaye waxaan hoos seexday geedkii, ka dibna markii ay abaaro duhurkii ahayd ayaa waxa ii timi islaantii Aamina dhashay ee soddohday oo masacagalay,
dabadeedna way gargaraacday iyadoo doonaysa inay qadada ii kiciso, laakiin anigu ma garanayo, waxaan misigta kaga dhuftay dhagax yar, ka dibna way iga carartay, basle maan sii seexan ee inta aan kacay oo aan banaanka tegay ayaan soo noqday oo aan cuntadii ay Aamina ii dhigtay cunay, markii aan cunayna dib ayaan u sii seexday, dabadeedna waxaan hurdadba markii ay cadceeddu dhacday ee ay maqribkii ahayd ayaan qaylo maqlay, taas oo la leeyahay "Alla soddohdii ayuu dilay", aniguna waan yaabanahay oo waxaan leeyahay "Waar xagee baad ku aragtay soddohdan ay leeyihiin wuu dilay",
dabadeedna aniga oo yaaban ayey suldaankii sodogay iyo sodohday soo baxeen oo ay dadkii qaylinayey oo inta ay u hanjabeen iga celiyeen, iyadoo ay islaantii soddohday tidhi "Muxuu igu sameeyey oo aad u sheeganaysaan , hadii aydaan inanka iska dhaafin waan is qaawinayaa", sidoo kale suldaankii ayaa isna yidhi "Wiilka hinaase ayaa idinka haya".
Intaa ka dibna waa la iska kala tegay, ka dibna suldaankii ayaa fiidkii ii yeedhay oo igu yidhi "Xasanow waxa layna kala yidhaahdaa jin iyo insi, markaa saddex bahal mooyaane bahalaha inta kale oo dhan jinku wuu isu ekaysiiyaa, saddexdaa bahal ee aanu jinku isu ekaysiina waxay kala yihiin: Doofaarka, Abeesada iyo Eyga", dabadeedna suldaankii ayaan ku idhi "Anagu hadii aanu insiga nahay marka aanu bahal aragno fara lama gafnee na kala fogee oo bahalaha igala hadal oo yey ii soo dhowaan",
dabadeedna "Waayahay"ayuu suldaankii igu yidhi, laakiin waxaan iswaydiiyey tolow islaantii soddohdaa aragtaye odayguna muxuu noqdaa, markaas ayaan waydiiyey suldaankii oo aan ku idhi maxaad noqotaa, markaas ayuu igu yidhi "Waxaan noqdaa Aar (Libaax) oo magacayagaba waxa la yidhaahdaa Aar",
dabadeedna isagii ayaan ka baqay, laakiin maalintaa wixii ka dambeeyey waanu kala nabadgalnay bahalihii.
Muddo markii aan halkii joogay oo ay gabadhii Aamina suldaan Uur ii yeelatay, isla markaana uu sedkeedii soo dhowaaday ayaan ku idhi "waxaan doonayaa inaan reerkayagii soo salaamo oo aan soo arko, ta kale reerkayaga muddo ayaan ka soo maqnaa meel aan jirana ma ogeyn.. oo aan ogaysiiyo inaan halkan joogo",
dabadeedna Aamina waxay arintayda u sheegtay suldaankii, ka dibna wuu ii yeedhay oo wuxuu igu yidhi "Xasan ma reerkii baad rabtaa inaad soo aragto", "Haa" ayaan ku idhi, dabadeedna suldaankii iyo islaantii soddohday reerkayagii ayey lacag badan iyo dhar iigu dhiibeen, ka dibna suldaankii baa igu yidhi "Xasanow aabahaa waa nin darran oo wuxuu ku odhanayaa Xasanow xoolahan tirada badan xagee baad ka keentay markaa hanooga sheekayn ee waxaad tidhaahdaa Berbera ayaan ka imi,
hadii uu ku yidhaahdo maxaad ka qaban jirtayna, waxaad ku tidhaahdaa maraakiibta xoolaha ayaan ka shaqayn jiray, aroortana diyaar garow waad tegaysaaye"
La soco cadadka dambe.
Q: 4aad Qiso Dhab Ah
-
Waxa Ka Sheekeeyey Xasan Olol; Waxaana Waraystay Weriye Liibaan M. Shire Xasan Olol Jaamac (ninka naagta jin guursaday oo ka sheekaynaya qisadii guurka ee dhexmartay naagta jin ah
wuxuu yidhi "Markii ay salaaddii arooryo ahayd ayaan alaabtaydii oo masar weyn oo shaash leh laygu duubay dacalka qabsaday oo aan safar u diyaar garoobay, ka dibna waxaan u jeestay xagaa iyo Ceerigaabo, ma garanayo in cagaha wax lay geliyey iyo inkale, laakiin waxaan arkay aniga oo isla markiiba Ceerigaabo dhex-taagan, balse markiiba waxaan Ceerigaabo uga sii gudbay meeshii uu reerkayagu deganaa.
Sodogay iyo sodohday waxay hooyaday iyo aabahay iigu sii dhiibeen mid walba lacag gaar ah, taas oo ay aabahay iigu sii dhiibeen 5000 oo rubadood, halka ay hooyadayna iigu dhiibeen 3000 oo rubadood "rubaddu waa lacag xiliyadaa la isticmaali jiray",
sidoo kale waxay iigu dhiibeen dhar wada xariir ah, anigana waxa lay sii siiyey 300 oo rubadood oo laygu yidhi Makhaaxiyaha iskaga ilaali,
markii aan reerkayagii u tegay ee aan aabahay iyo hooyaday lacagihii iyo alaabooyinkii laygu soo dhiibay siiyey ...ayuu odaygii aabahay ee Olol Jaamac su’aalo ila daba galay, wuxuuna ugu horayn I waydiiyey "Waaryaa Xasan nimanka bad-mareenada ah ee badaha u shaqo taga, sannadaha badana ku maqnaada ayaan weligood 8000 oo rubadood kala imanine xagee baad xoolahan ka keentay".
Laakiin ilayn waxaan ahay nin uu suldaankii la soo balamaye waxaan ku adkaystay oo aan idhi "Aabe sida aad ogtahay sigaar iyo qaad midna ma cuno,
sidaa darteed wixii aan Berber ka shaqaystay meel baan ku urursanayey".
Ta kale iyadoo uu odaygii aabahay la yaaban yahay shanta kun ee rubadood ayey islaantii hooyadayna odaydii indhaha kala hadashay oo ay ku tidhi "Anigana 3000 oo rubadood ayuu I siiyey",
ka dibna odaygii baa yidhi "Ka waaweyni", marka ay sidaa is leeyihiin waxay moodayaan inaan lacagtan iyo dharkan soo xadday, dabadeedna odaygii aabahay wuxuu la hadlay islaantii hooyaday, wuxuuna ku yidhi "Eeyaa waa islaanta waxaad yeelaysaa shantan kun ee rubadood ee aan hayo iyo saddexda kun ee aad hayso waad isku daraysaa, ka dibna waxaad ku ridaysaa sanduuqaaga, laakiin dharka iska isticmaal".
Odayga aabahay waxa uu ahaa oday caan ah oo la garanayo markaa waxa uu leeyahay wiilkayga Xasan hadii uu aduunkan soo xadday waa lay imanayaa,
sidaa darteed wuxuu yidhi "hadii lay yimaado anigaa dharkaa bixin doona, laakiin islaan yahay lacagtaa far ha saarin", ka dibna hooyaday hadalkii odayga ayey aqbashay, dabadeed markii aan reerkii dhawr habeen la joogay ayaa odaygii aabahay waxa u yimi nin faras wata oo Ceerigaabo laga soo diray, waxaana loogu yeedhay laba qolo oo uu kiis ka dhexeeyey, odayguna gar tooda ku jiray.
Laakiin odaygii wuxuu ninkii faraska watay ku yidhi "Orod iska tag berito ayaan ka soo daba baxayaaye", ka dibna ninkii wuu iska noqday, dabadeedna subaxnimadii dambe ayaan odaygii aabahay ku idhi "Aabe waan ku raacayaa", ina keen ayuu igu yidhi, waa tii qoladii igu yidhaahdeen hanaga sheekayn, laakiin wixii ay cagaha ii geliyeen markii aan ka imanayey ayey markii aanu dhaqaaq u diyaar garoobaynay cagaha noo gesheen, dabadeedna markii aanu quraacanay ayaanu gurigii ka ambabaxnay, ka dibna halkii aanu Ceerigaabo ka tegi lahayn maqribkii ayaanu qadar saacad ah Ceerigaabo u sii soconay, dabadeedna markii aanu garoonka diyaaradaha Ceerigaabo maraynay ayuu odaygii aabahay igu yidhi "Waaryaa Xasan waa xagee meesha aynu maraynaa",
markaas ayaan ku idhi "Waxaynu maraynaa garoonkii diyaaradaha Ceerigaabo", markaas ayuu hadana odaygi igu yidhi "waaryaa Xasan keenee lagu jiray oo wax siday", ka dibna odaygii wuxuuba ii aqoonsaday Awliyo, waxaanse ugu jawaabay "Aabe anigu inan yar baan ahaye maxaan qaadi karaa".
laakiin hoosta ayaan ka cadhooday oo waxaan is idhi "Muxuu suldaankii kuu lahaa hanaga sheekayn hadii uu cagaha wax kuu gelinayo", waayo waan gartay in wixii maalintii hore cagaha lay soo geliyey, maantana naloo geliyey".
Markii aanu magaaladii Ceerigaabo soo galay odaygii aabahay wuxuu fadhiistay maqaaxi, ka dibna odayaashii makhaayadda fadhiyey ayaa odaygii ku yidhi, "Waar Olol ma xalay baad soo guuraysay".
Dabadeedna wuxuu ku yidhi, "Maya, wallee ee quraacdii ay islaantaydu saaka I soo siisay ayaan soo cunay.
"Ka dibna odayaashii ayaa aabahay ku yidhi, "Oo Olol baabuurna intaa kuma yimaado’e maxaa ku sidday",
markaas ayuu ku yidhi, "Laftayda ayaa yaabban", hadana waxay odayaashii aabahay ku yidhaahdeen "Oo yaa kula socday", wuxuuna ku yidhi Wiilkaygii Xasan ayaa ila socday", hadana waxay odayaashii aabahay ku yidhaahdeen "Oo Xasan miyuu yimi oo la helay ", markaas ayuu ku yidhi, "Haa".
Anigu markaa waxaan ahay nin aad quruxda yaabto ileyn waxaan ahaa nin maalintii marna wax cunayey, marna hurday, habeenkiina Aamina suldaan legga kaga jiraye.
Dabadeedna markii ay odayaashii cabaar ila kaftameen ee ay igu yidhaahdeen "Waar qurux weynaa iyo xagee buu ka yimi"
ayaan meeshii ka kacay oo aan soo eegay dhalinyaradii aanu xeegada wada ciyaari jiray, berigaana qaad lama cuni jirin oo Ceerigaabo oo dhan 4 oday baa ka qayili jiray, markaa dhalinyaradayada oo dhan balwadayadu waxay ahayd Xeego iyo kubbad.
Dabadeed dhalinyaradii oo dhan ayaan casuumay oo inta aan kaxeeyey hudheelada geeyey, laakiin waxa ay cunayaan oo dhan isugu tegi maayaan laba rubadood.
Dabadeed markii aan Ceerigaabo laba habeen joogay ee ay kutaan iyo tagfi igu cuntay ileyn nin janno ka yimi ayaan ahaye ayaan go’aansaday inaan ambabaxoo aan qabto reerkaygii iyo gabadhaydii Aamina suldaan"
La soco cadadka dambe.
Q: 5aad Qiso Dhab Ah
-
Waxa Ka Sheekeeyey Xasan Olol; Waxa Waraystay Weriye Liibaan M. Shire Xasan Olol oo ah ninka insiga ah ee naagta jinka ah guursaday isaga oo qisadaa ka sheekaynaya wuxuu yidhi
"Markii aan laba habeen joogay Ceerigaabo ayaan maalin saddexaadii aabahay ku idhi aabo waan tegayaa oo waxaan ku noqonayaa Berbera, ka dibna wuxuu igu yidhi "Xasanow aabe waan kuu soo ducaynayaa ee ma haysataa nooli, mise nooli baan ku siiyaa", ka dibna waxaan ku idhi "Waan haystaa", inta aan tusay 280 rubadood oo iiga soo hadhay 300 ee rubadood ee sodogay I soo siiyey.
Weliba aabahay ayaan siiyey 200 oo rubadood, waxaana qaatay 80 rubadood.
Laakiin aabahay waxaan ku idhi "Aabo waxaan raacayaa gaadhi ay lahaayeen ilma gadh-case."
Balse maan ahayn nin gaadhi u baahan, dabadeedna gaadhigii aan aabahay ku idhi waan raacayaa oo istaanka baxaya ayaan cabaar is-agtaagay si aan u sugo inta uu dhaqaaqayo, taas oo aan iska dhigayo nin gaadhiga raacaya si aan aabahay u qanciyo,
waxaan gaadhigii sugaba markii dambe ayuu dhaqaaqay oo wixii raaci lahaana raaceen, dadkii aan raacaynina magaalada dib ugu noqdeen ayaa anigana waxaygii cagaha lay geliyey oo aan u ambabaxay xagii reerkaygii, ka dibna waxaan markiiba gaadhay geedkii aan maalintii hoos seexan jiray oo ay gogoshaydii iyo raashinkiiba ii sii yaaliin,
dabadeedna inta ay quraacdii cunay ayaan iska seexday, ka dibna wax aan maalintii oo dhan hurdaba markii ay maqribkii gaadhay ayaan waayey Aamina suldaan, waayo maalin kasta marka ay maqribka gaadho ayey alaabta ii guri jirtay, ka dibna markii aan waayey ayaan alaabtaydii iska gurtay oo aan gurigii tegay oo waxaan alaabtii dhigtay ilaaxidhka hore ee guriga,
laakiin Aamina oo umushay ayaa jiifta ilaaxidhka dhexe ee guriga, dabadeedna inta aan u tegay ayaan ku idhi "waar Aamina maxaad sheegtay", markaasay igu tidhi "Nabad", kadibna waxaan ku idhi "Oo miyaad umushay", "Haa"ayey igu tidhi, hadana waxaan ku idhi "Oo maxaad umushay", dabadeedna intii aanay ii sheegin waxa ay umushay ayey soo fadhiisatay oo ay maradii ka qaaday caruurtii meesha jiiftay,
waxayna tidhi "waxaan umulay 7 caruur ah", ka dibna inta aan naxay ayaan idhi "bismilaahi raxmaaniraxiim", intaa markii aan idhina waan waayey naagtii iyo caruurtii iyo gurigiiba, waxaana is arkay aniga oo cidla fadhiya, dabadeedna aniga oo yaaban oo is leh adiguna maad dambas noqotid, marna is leh ma carartaa ayaa suldaankii loo sheegay waxa dhacay, markaas ayuu yidhi "Xijaabka uga qaada", ka dibna Aamina, caruurtii iyo gurigii ayaa igu soo noqday, markaasay Aamina suldaan hidhaadhiday (Cadhootay),
ka dibna waxaan ku idhi "Maxaad la hidhaadhiyeysaa, habeenkii aad ila hadlaysay miyaad sheekada iigu dartay bisinka ha qabsanin",
ka dibna waxay tidhi "Maya kuuguma darin oo anigaa gardarran".
Intaa ka dibna suldaankii ayaa ii yeedhay oo igu yidhi "Waaryaa Xasan maxaad samaysay", dabadeedna waxaan ku idhi "Suldaan bisinka ayaan qabsaday", dabadeedna wuxuu igu yidhi "Bisinka ayaa ina kala xijaabay ee bisinka hanaga qabsanin".
Ka dibna suldaankii ayaan ku idhi "Oo suldaan sawdinka marka aad wax cunaysaan ee aad tukanaysaan bisinka qabsada ma kaayagaa wax qaba".
Suldaankii ayaa markaa igu yidhi "Haa oo Illaahay baa ugu yeedhay in kiinu (bisinka) ina kala xijaabo oo amar ilaahay baa dhigaya inuu kiinu (Bisinka) ina kala xijaabo", dabadeedna suldaankii ayaan ku idhi "Waayahay oo u noqon maayo".
Laakiin hadii aan odhan lahaa "Suldaan hadii aan ilaawo ha lay saamaxo waa lay saamixi lahaa, balse maan odhan taa.
" Muddo kale markii aan joogay ayey mar kale Aamina waxay dhashay 7 caruur ah, waqtigaasna waxaan buurta joogay muddo saddex sannadood ah, dabadeedna Aamina ayaa maalintii dambe ku idhi "Aamina Caddan baan tegayaa", ka dibna waxay u sheegtay suldaankii, dabadeedna suldaankii baa ii yeedhay oo markii aan idhi waan tegayaa I siiyey sanduuq lacag ah iyo dhar, laakiin suldaanku waxa kale oo ii sii dhiibay 100 rubadood oo igu yidhi "Boqolkaa rubadood waxaad siisaa ninka la yidhaahdo Ina dawle oo doonidiisa raac oo Caddan I gee ku dheh. "
Waxa kale oo uu suldaanku dhar badan iigu sii dhiibay abtigay oo magaalada Xiis jooga, ka dibna abtigay baan u tegay oo aan dharkii siiyey, intaa ka dibna aniga iyo abtigay ayaa is raacnay oo u tagnay doontii Inadawle, waxaanu siinay boqolkii rubadood, laakiin Inadawle aniga iyo abtigay wuu nagu diiday boqolkii rubadood oo wuxuu yidhi "Olol Jaamac baa I qabsanaya hadii uu maqlo wiilkaagii ayuu lacag ka qaatay",
dabadeedna boqolkii rubadood wuu nagu soo celiyey, dabadeedna boqolkii rubadood waxaan siiyey abtigay oo aan ku idhi "abti makhaaxida iskaga ilaali", sidaa ayaana ku raacaya doontii uu suldaanku igula balamay, waxayna magaalada Xiis nagala dhaqdhaqaaqday goor casar ah, dabadeedna halkii ay saddexda habeen nala sii socon lahayd ayaa ayey iyana cagaha wax ka gasheen markaasay habeenkiiba nala tagtay badda Cadmeed, isla markaana waaberigiiba munaaradii buurta shaan-shaan ku taalay bay nala agtay, ka dibna kuruugii doonta ayaa yidhi "Ka kaca Caddani waa tani", dabadeedna dadkii doonta saarnaa baa kaakacay oo yidhi "Waaryaa inala socday, oo yaa inala socday oo aan ilaahay ahayn", doonto waxay sidday Adhi, ka dibna dadkii baa yidhi "Laba wan hala keeno oo hala siiyo Sheekh Isaxaaq iyo Sheekh Ismaaciil", ka dibna inta aan hoosta ka qoslay ayaan hoos u idhi "Wadh-wadh sheekhyo sheekhyo lays wallee sheekhyo idin-ma waddin ee aniga ayuun baa og cidda idin wadday".
Labadii wan ayaa halkii lagu cunay, ka dibna goor casar tahay ayey doontii dekedda Cadmeed ku xidhatay.
Suldaanku waxa uu igu sii balamay doonidu marka ay dekedda Caddan ku xidhato inta aad sanduuqaaga dacalka qabsato xagaa iyo xagaa midna ha eegin ee toos u soco oo cidna hala hadlin, lagumana qabanayo oo anaga ayaa ku difaacayna, ka dibna sidii uu suldaanku igula soo ballamay ayaan yeelay oo inta aan sanduuqaygii dhegta qabsaday ayaan iska talaabsaday, dabadeedna cidina ilama hadlin, cidina ima arag sidaa ayaan magaaladii ku galay"
La soco cadadka dambe.
Q: 6aad Qiso Dhab Ah
-
Waxa Ka Sheekeeyay Xasan Olol; Waxa Waraystay Weriye Liibaan M. Shire ..."Marki aanu Caddan tagnay waxaan raacay tagsi oo aan rubad siiyey, wuxuuna I geeyey gurigii, ka dibna gurigii baa qol lay siiyey, berigaasna qaad iyo sigaar toona ma cuni jirin, laakiin waxa Caddan iga helay koox I waashay oo uu watay nin la yidhaahdo Xirsi Baal-baal, dabadeedna balwaddii iyo heedhe-heedhadii ayaan raacay, ka dibna lix sannadood ayaanan cidna juuq u soo odhan,
maalintii dambe ayaan aniga aqal fadhiya aqalkii ku gubtay, waxayna ahayd xagaa kulul, ka dibna iyadoo ay xabbad sigaar ahi ii shidan tahay ayaan gurigii debedda uga soo baxay ayey Aamina meel halkaas ah igaga soo baxday, markii aan isha ku dhuftay ayaan idhi qoodh iyo xero waa Aamina, markaas ayey soo socotay oo way I salaantay oo waxay igu tidhi "Maxaad sheegtay",
"Waa nabad" ayaan ku idhi, markaas ayaan ku idhi "Oo tumaad ahayd", markaas ayey tidhi "oo miyaad I garanayn", markaas ayaan ku idhi "Oo maalintiiba boqolaal dumar ah ayaan arkaa ee maxaan kaa garanayaa", waana garanayaa ee kiiska ayaan iska waalayaa.
Dabadeedna markaas ayey tidhi "Waar anigu ma ihi naagaha Cadmeed ee waxaan ahay Aamina Suldaan oo adiga ayaan ku doonayey ee bal warran",
Markaas ayaan gacan mayd ah oo baqdin ah ku salaamay oo aan ku idhi "Naa waa fiiacanahay aniguye bal caruurtii iyo reerkii iyo dadkii ka warran", markaas ayey tidhi "Waa la nabad qabay, waana la wanaagsanaa", markaas ayaan ku idhi "Maxaa maanta ku keenay Caddan ee aad doonaysay", markaas ayey tidhi "Adiga ayaan ku doonayey oo gabadhaadii oo sagaal jir ah ayaa la doonay",
markaas ayaan idhi "Ma gabadha sagaal jirka ah ayaa la doonay"
La soco cadadka dambe.
Q: 7aad Qiso Dhab Ah
-
Waxa Ka Sheekeeyay Xasan Olol; Waxa Waraystay Weriye Liibaan M. Shire Xasan Olol markii ay afadiisii jinka ahayd, Aamina suldaan ugu timi Caddan ee ay u sheegtay in guur loo soo doonay gabadh uu dhalay oo 9 jir ah waxa uu sheegay inuu fajac iyo amakaag u soo baxay,
ka dibna yaabkii uu yaabay markii warkaa loo sheegay ayuu lama filaankii yidhi "Bismilaahi Raxmaani rixiim", laakiin marka uu bisinka qabsanayey wuu ilawsanaa dardaarankii uu siiyey soddogii Suldaan Aar, sidaa darteed Xasan markii uu bisinka bisinka qabsaday ayuu Aamina suldaan nuurigeedii waayey, wuxuuna Xasan Olol magaalada Caddan ku sugnaa muddo lix sannadood ah, ka dibna Xasan Olol waxa uu Caddan ka soo laabtay oo uu dalka yimi, iyadoo aanay isaga iyo Aamina wax xidhiidh ah yeellan, wuxuuna markaa yimi magaalada Hargeysa,
iyadoo uu xiligaasi ahaa sannadihii dhawr iyo toddobaatanaadkii, laakiin Xasan Olol, isaga oo ka hadlaya imaatinkiisii Hargeysa wuxuu yidhi, "Waxaan Caddan iska soo balweeyoba waxaan imi Hargeysa, dabadeedn markii aan inmuddo ah joogay magaalada Hargeysa ayaa maalin maalmaha ka mid ah aniga oo bahal busaarad ah la ildarran oo meel kaabad ah ku fadhiya waxa I soo hor maray gaadhi yar oo ay Aamina suldaan saarran tahay,
ka dibna markii aan arkay ayaan indhaha la raacay, dabadeedna markii uu gaadhigii marayey meel agtayda ah ayey Aamina ii soo tuurtay masar xariir ah oo ay ku soo xidhay lacag aad u tiro badan, ka dibna markii ay lacagtii ii soo tuurtay ayey I dhaaftay, iyadoo aan ila hadlin, wixii mudadaa ka dambeeyeyna wax xidhiidh ahi nama dhexmarin. "
Xasan Olol waxa uu sheegay inay Aamina suldaan u dhashay 14 caruur ah, laakiin waxa uu sheegay inay Aamina la soo xidhiidhi lahayd hadii ay nooshahay, sidaa darteed uu Aaminsan yahay inay dhimatay,
sidoo kale waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi "Aamina suldaan hadii ay caruurtayda u sheegi lahayd inaan anigu aabahood ahay way ila soo xidhiidhi lahayd, laakiin waanay u sheegin."
Xasan Olol waxa kale oo uu ku kaftamay inay niman reer Somaliland ah sheegteen inay Aamina suldaan iyaga ahayd, sidaa darteed ay yaradkii iyo xaal-ba ka doonayaan, maadaama bay yidhaahdeen aad sheegtay inaad gabadha oo qaawan oo dabaalanaysa lugaheeda kala dhexmartay, wuxuuse Xasan taa kaga jawaabay inuu ogol yahay waxaas oo dhan, laakiin uu iyagana uga fadhiyo xaaskii iyo 14-kii caruurta ahaa.
Hase yeeshee Xasan olol waxa uu guursaday gabadh kale oo iyadu Insi ah. (dhamaad).