Toloow ha la dhoofsho ama waan Tahriibi Qaybtii 2aad.
(Toloow ha la dhoofsho ama waan Tahriibi Qaybtii 2aad.)
(newtechnology) akhriste waa maqaalkii labaad ee aan kaga waramayo waayihii igu soo maray tahriibka una shrrgayo dhibka iyo rafaadka saaxiibo badan oo niyada ku haya inay mar uun jidkaa maraan waxan soo rafaadaba waxan soo gaadhay caasimada dalka giriiga oo loo yaqaan athens waa subax hore oo ay saacada tahay 6Am,waxan ka soo dagnay maxadada tareenkii naga soo qaaday magaalo la yidhaa komotiniyo oo ku talaa xuduuda giriiga aniga iyo asxaab badan oo ila safar ahayd maalinta shucuurtayda waxan ku qiyaaso ma aqaan waayo jabkii iyo rafaadkii aan maray ayaan maanta soo gaadhay meel ana in basdan jecla ainan lugaha saaro waa caasimada athens waxan nimid xaafada caanka ee somaalida ay degan tahay oo loo yaqaan omonia bil nasiib xiligaa lamaanu kulmin wax soomaali ah mayna jirin cid soomali ah oo diyaar noo ahayd inay na caawiso .waxan la kulanay nin madow ah waxanan ka codsanay inuu noo tilmaamo guri soomaliyed waa uu nacaawiyey waxaanu na geeyey guri somaliyeed. omonia waa xaafad ay inta badan degan yihiin dadka ajaanibka ah waa meel amaankeeda inta badan aad loo ilaaliyo maadama ay ka dhacaan rabshado badan meesha aad ka wareegtaba waxaad arkaysa boolis taagan waxana lagu waydiinaya sharci marmar hadii laga shikiyo waa lagu baadhi kara hadaanad wadan sharcina waxa lagu xidhayaa ugu yaraan week.omonia ayaa ah xaafad inta badan ka duwan xaafada magalada athens waa meel inta badan buuq iyo dad badan nadafadeeda ayaa aad u liidata subaxa waxan maraynay meelo badan waxana isla markiiba is badalay fikirkii aan ka haystay dalka giriiga iyo magaalada athens marka aad omonia joogto waxaad is moodaysa sidii aad joogto magaalo africa ka tirsan qaabka ay u talaal iyo gurayaha oo ah qaar qadiimi ah. akhriste w saacado markana joogay ayaa waxa ii suurogashay inaan waco waalidkay iyo axsaabataydii oo aanan mudo ilaa 3bilood ka badan war iyo wacaal ka hayn waxay ku sugan yihiin ,waxanan u sheegay inan joogo athens jecelahayna inaan si degdeg ah uga baxo. hooyaday ayaa subaxa markaan la hadlay dareentay qiiro iyo oohin maadama aanay in badan maqal codkayga akhriste nolosha ayaa aad u adag markaad joogto athens waxa yar inaad shaqayso ama nolol high class ku noolato. soomalida ayaa degan guryo ay nadaafadoodu fiicnayn oo ay qolkiiba jiifan in ka badan 20qof cuntada ayaa lacag ah jiifka ayaa lacag waxkasta ayaa lacag waxaad arkaysa ila hada soomalida oo ka cabanaysa nolosha waxanay markiiba kugu khasbaysa inaad si degdeg ah u dhaafto. akhriste giriiga ayaa ahaa wadamadii ugu horeeyey ilbaxnimada aduunka laakin marna ismana lahayn safar baad ku tagi waxaad mooda iyadoo ay sidaa tahay hadana in hada laga tagay ilbaxnimadii marka loo eego wadamada kale ee yurub. akhriste markaan dalkayga hooyo joogay waxan maqli jiray qofku haduu gaadho athens si fuudud ayuu uga bixikaraa ama waa uu shaqaysan kara laakiin sheekadaasi ayaa noqotay mid aan sal iyo raad toona lahayn laakiin ay noqotay nasiibka ha ka saaro,ka wax haysta iyo kan aan waxba haysan ayaa soomalida meesha joogta waxay ku nool yihiin dabaqad kaliya oo isku mid ah. mudo markaan joogay ayaan waxan bilaabay safarkayga maadama uu targetkaygu ahaa inan yurub aado waxanan rajaynayey maadama aan dhib iyo rafaad badan soo maray inaan hada si fudud u dhaafo laakiin meel ayna bariiskaagu ka dhadaan way adag tahay inaad ka baxdo safarkaygii koobaad ayaan ka bilaabay madaarka caanka ah ee caasimada athens oo loo yaqaan athens internatinal airport (eleftherios venizelos) waa madaar aad u yar marka loo eego madaarada calaamka waxana iskaga gudba diyaarado badan. subax hore ayaan bilaabayey safarkayga waxanan ku sii jeeda dalka france lakiinse kumaan guulaysan iyadoo lay diiday inaan dhoofo sobobo badan awgeed oo ay ka mid tahay this is not your passport, this not your face hadlada ayaa ahaa qaar aan ka sii xasuusto shaqalihii diyaarad aan racaayey oo ahayd airfrance. waxayna islamarkiiba iigu wacday askarta gaarka ah ee madaarka waxay lay geeyey qolka baadhista waxana lay dhahay waxaad tahay soomali keen waraaqdii dalka aad ku joogtay waraaqda ayaa ah mid la siiyo qofkasta oo soo maray jeelalka ama kaamamka xuduuda giriiga ku yaala.waxana ku qoran bil dalka kaga bax oo af giriig ah waxa lay qaaday xabsi ku meel gaadh ah waxana lay sheegay in bari subaxa lay gayn doono maxkamad. subaxii ayaa lay geeyey maxkamada athens aniga oo aan in ka badan 48saacdod wax baad iyo biyo midna lay siinin. beerka ayaa iskukay dhagay indhaha ayaa i madoobaday gaajo darteed xaakinkii maxkamada ayaa iwaydiiyey saddex su"aalod waanan ka jawaabay waxa laygu xukumay 3bilood iyo lacag ah 2000euro madaxa i kacay waan yaabay waxa layga xidhay laba gacmood waxana lay ilaalinya sidii qof danbi weyn galay aniga iyo dad badan oo ajaanib ah waxa ku jirta gabadh u dhlatay eratariya oo uur leh waxa naloo qaaday xabsigii markii xukunkaygii dhamaadaywaxana halkaa ku xidhnaa mudo week ah. akhriste xadhiga waxa igaga daran nolosha xabsiga oo aad u adag cuntada ayaa ah mid aan kugu filnayn oo u badan khansiir, suuliga ayaa ahaa mid aad askarta baryeyso maadama uu dibada ku yaalo, qolka ayaa aad noogu yaraa waxana jira qabow badan. markaan xidhnaa week ayaan soo baxay aniga oo yaaban maadama laygu xukumay 3bilood qaadan waa bay igu noqotay inaan baxayo askari ayaa xaadiriyey magacayga waxanu i dhahay you are free waxa lay siiyey waraaq cusub oo aan dalka ku joogi karo waxana lay sheegay inaan dalka kaga baxo 30 maalmod gudahood akhriste bal ka waran adoo lagu lee yahay dalka nooga bax oo hadana markaad baxayso lagu qabanayo lagu ciqaabayo maaxaad samayn?. xasbiyada ku yaala giriiga ayaa ah qaar kala duwan qaar baa 24saacba hal mar cunto lagu siinaya qaarban lagu ogolayn inaad maydhato, waxan imid omonia aniga is badalay week ana xidhnaa oo anan maydhan wali maan quusan isla si degdeg ah ayaan hadan ugu soo laabtay madraaka inaan iibsaday passport kale hadana waa lay qabtay akhirste ilaa in ka badan 10mar ayaan ku soo laabtay madaarka oo kolba lay qabanayey waxan caan ka noqday madaarka iyo shaqaalaha madaarka. marar badan markan ku soo laabtay
Waa hore ayaa waxaa jiri jirtay sheeko dad badani maqleen asaan run ahaanshaheeda la ogeyn.
Waxaa la yiri: ``Waxaa jiray dhul aan la aqoon wax ku dhaqan iyo wax ka jira toona, xilliguna aad ayuu uga fogaa maantadaan dunida la inoo sheego dadka ku nool tirsigiisa, bahallada, cayayaanka, iyo dhammaan waxaa noole jira oo dhan tabta ay u nool yihiin. Waxaa la sheegay in ay meeshu ku oollayd bad dhexdeed oo gasiirad yar ay ahayd. Cidina ma ay tegin waligeed sida ay sheegeen dadkii halkaas berriga uga dhawaa oo qiyaastii 300 oo mayl u jiray. Waxaa kaliya ee la maqlay waxaa ay ahayd in nin badmaax ah oo wata tobaneeyo qof uu halkaa beri u hayaamay oo sheegay inuu soo sahamin doono kobtaa iyo waxa ku dhaqan. Waxaa ayaan danbe la maqlay inuu halkaasi jinni iyo wamaa jaan ay foodda isku dareen. La sheeg in 9 ka mid ah dadkaasi le’deen halka mid ka mid ahi uu baxsaday asagoo aan far la saarin oo qolyihii ay kobtaas isku farasaareen iskood u soo daayeen si uu bal dadkiisa uga sheekeeyo halaaggii la baday iyo waxa uu soo arkay intaba.
Ninkii badbaaday ayaa waa danbe u yimid dadkiisii, deetana shiriyey odayaashii guurtida Deegaankaas ugu waa waaweynaa, wuxuuna hadalka u bilaabay sidaan:
``Anagoo 10 Nin ah oo wadanna dooni yar oo annaga iyo raashinkayaga ka badan aan qaadin waa tii aannu aroor hore halakan ka tagnay. Waa tii aad ogeydeen sidii aynu isu macasalaamaynay.Waa tii aad nala dardaaranteen.Waa tii raggiina golaha ayaantaas joogay aad ballan qaaddeen haddii aan soo noqon wayno inaad carruurtayada iyo dadkii aanu masuulka ka ahayn aad masuuliyaddooda qaadi doontaan. Sidaas iyadoo ah waa tii aanu baxnay oo foodda saarnay kobtii aan ku ballanay inaan qabanno ee gasiiradda ahayd. Waxaannu sii soconaba 4 beri iyo dhawr saacadood ayay nagu qaadatay inaanu gasiiradda tagno. Markaanu u soo dhawaanay gasiiraddii ayaa waxaa noo muuqday qudbi dheer oo u eg tower ama qudbi masjid, waxaa kale oo indhahayagu qabteen cagaar dhag ah oo geedo waa weyn ah oo gasiiradda daanteeda soo saaran asaad moodid inuu is haysto meeshoo dhan. Waxaa nagu soo baxay meel aad mooddo in doomuhu ku xirtaan oo deked u eg. Waxaan u hollanay inaan ku xiranno halkaa kol haddaan soo dhawaanay. Isla jeer ahaanba waxaa badda nagaga soo baxay yuug iyo wamaayuug wax u eg oo 6 hal ah. Bahal ma uu ahayn, waana u ekaayeen. Hortayada midbaa istaagay. Shan halna dhinacyada ayay naga mareen. Muuqu waa wax weyn oo ballaaran madaxa uga eg dad, addimmo bahalna leh. Ballaarkiisu waxa uu naga qariyey wixii gasiiradda u ekayd. Oo waxaa isku gudbay Kii hortayada taagnaa. Dhinacyadana waxaa naga maray kuwii kale oo waxaanu noqonay wax ku dhex jira goobaabin aan laga bixi Karin.
Waxaannu noqonay wax dayoobay oo lumay, waxaana is qaban wayey wixii hore noogu muuqday iyo waxa hadda na horyaal. Waxaa nagu dhacay argagax iyo amankaag. Doonta waxaa noo saarnaa raashin biyo nadiif ah iyo hu’ aanu huwanno oo dhaxanta ka huwanno. Waxaa kale oo noo saarnaa hub aan ahayn mid casri ah ee laga sameeyey baaruuda qaraxda iyo warmo iyo gaashaan aanu isku daafacno. Waxa meesha ka socdayse waxba kamay tari hayn inay dhibka nagu sii badiyaan mooyee.
Sinnaba uguma aanu hollan inaan la dagaallanno ama iska dhicinno cadawga. Midkii na hortaagnaa ayaa madaxii aadka nooga fogaa ee aad moodaysay inuu cirka biyo ka cabbayo noo soo duwey oo asagoo aad mooddo inuu naga ilaalinayo inuu madaxiisu nagu dhaco, waxa uu noo soo jirsaday wax yar oo taabasho ay gaarto.
Madaxu wuxuu le’ekaa dhawr guri oo la isku furay oo magaalo cammiran ku yaal. Wuu hadlay oo kaaga darane afsoomaali ayuu wuxuu ku yiri” Ma I garanaysaan nimanyahaw?”
Waxaa nagu sii batay argagaxii iyo ashqaraarkii. Sidii aanu is ogayn ayaa waxaanu wada niri ”Maya” mid aamusay mooyaane. Mid naga mid ah ayaa aamusay oo aan jawaabin. Waxa uu yiri ”ninkaas ayaa i garanaya ee mawaanu idiin kay sheegin?”- ”Maya” ayaanu niri inta wada eegnay Ninkii! Intaas markii aanu is weydaarsannay ayuu madaxiisa la laabtay oo bartiisii kula noqday. Ma aanu wada hadlin sidii aanu xerada jin u soo galnay. Waxaa misna noo muuqday wax kale oo sidii gacan oo kale ah, waa nala ka qaatay ninkii aamusay, meel la dhigayse ma aanu arki karin oo baaxadda bahalka ayaa nagu gudbanaa waliba aad noogu dhawaa. In yar ka dib waxaa samada nooga yimid wax sidii daah cad u eg oo magnet wata, halkaas ayaa waxaa na dafay magnetkii oo waxa uu noo waday meel aan la arki karin. Laftayadu xataa isma aanu arki karin oo waanu kala dhunnay sidii dad indhala ama sidii qof toosh indhaha looga ifiyey oo kale ayaanu dayoownay, yaabkiina nagu sii biiray. Waxaa nala sii waday muddo aad u yar oo malaha saacado ah waxaan ku indha kala qaadnay dhul aad u weyn oo ay ku nool yihiin dad ka badan dadkeenna oo dhammaantood wada xiiran oo mid timo ku yaalliin aanu jirin oo dhegi ka go’an tahay. Waxaa dadka dhex fadhiya oday timo leh oo malaha da diisu tahay 50 jir, aad u xooggan oo qaba dhar boqortooyo oo aad u yaab badan. Asaguse dhegihiisu waa ay u dhamaayeen oo midina kama ay go’nayn sidii dadka kale. Kursiga uu ku fadhiyona waxaa ku xardhanaa dahab iyo maar. Laba nin oo aad u xooggan ayaa labada dhinac ka kala taagnaa, mid seddexaadna dhabarkiisa ayuu si dirqi ah uga muqdaa.
Annagu waxaanu nahay sagaal qof waxaa kaliya oo naga maqan ninkii ugu horreeyey ee nalaga qaatay oo asagu aan ka dhex muuqan dadka meesha ka muuqda.
Waxaa hadal bilaabay boqorkii oo yiri: ” waxaan ahay boqor Maareeye! waxaan ahay boqorka goobtaan magaceeda la yiraado Yamaarug. Waxaan halakan ku noolaa oo xukun kaan aabahay ka dhaxlay ku hayay 391 sanadood oo sanadka aadanaha ah oo u dhiganta 23 sanadood oo tirsiga dadkayga ah. Waxaan halakan ku hayaa waxyaalo aan oollayn halka aad adinku ka timaadeen. Waxaan maanta idin tusinayaa awoodda alle i siiyey iyo mucjisooyinka aniga ii gaarka ah. ”Waxaan ka mid ahaa 3 walaalo ah oo ilmo boqor ah oo aan anigu ugu yaraa, waxaana na dhashay hooyo kali ah oo waxaanu kala weynayn 15 sanadood oo u dhiganta 255 sanadood oo tirsiga aadanaha ah midkiiba. Anigu 30 sano ayaan ka yaraa kan weyn oo curadka ahaa. Markii aanu wada dhalanay oo aabahayo uu wali dhallinyaro yahay ayaa waxaa xukunkii ku qabsaday adeerkay oo aabbahay ka weynaa oo aan caruur lahayn. Guddigii dadkayaga ayaa arrintaas u diiday inuu boqrtooyada aabahay ka qaato si aany u burburin burjiga iyo jiritaanka boqortooyadu maadaama aanu adeerkay wax dhili jirin oo uu ciniin ahaa.
Sidaas ayaa aabbahayo ku qabsaday xukunka kobtaan. Asagoo hadalkiisii sii wata waxaa uu boqorkii yiri,Yamaarug waa mid ka mid ah 4ta boqortooyo ee ilma YOOFIL ee ku dhaqan dhulweynaha la yiraado Yamays. Waa boqortooyada ugu awoodda yar 4ta boqortooyo oo laba ka mid ah ay ka kala taliyaan walaalahay, midna uu ka taliyo Yay oo ah la taliyihii adoogay. Oo asagu xukunka qabtay 12 sanadood hortood. Anigu waxaan ka masuul ahay dhulkaan Yamaarug iyo wixii agtiisa ka dhoow, sidaa darteed aniga ayaa u xilsaaran wixii ilaaq aadane ah iyo wixii unuunka korkiisa nooga yimaada. Ciidankayga waxaa ugu awood yar kuwii idin soo qabtay, waxaana la yiraadaa Yutulub. Waxaan idin tusidoonaa waxaa ka jira halakan ee bal fiirsha! Waxaa mar kaliya naga qarsoomay dadkii iyo boqorkiiba. Waxaa na saaqday yalaalugo iyo hurdo wada socda. Waxaan noqonnay dad dayoobay, ammin yar ka dib ayaa waxaa furmay albaab ku beegan halkii uu boqorku fadhiyey, waxaanu galnay meeshii mise waa duni lagu indho daraandaro oo waxaa yaalla aad yaab u dhimanaysid. Waxaanu aragnay waxaa nafta u roon oo dhan hadduu yahay dahab, lacag, cunto, beero, wabiyo, iyo wax aan la soo koobi karin oo dhan. Waanu sii yaabnay, waxaanu u mahadnaqnay ilaahay. Waxaanu is niri boqorku waa nin wanaagsan oo waa uu idinka yaabinayey ee waa uu idin wanaajinayaa deetana idin dayn doonaa.
In yar ka dib ayaa waxaa noo timid gabar qurux badan oo aanu waligayo arag wax la qurux ah intaan noolaa, aadna mooddo in gacanta lagu qoray. waxay noo wadday meeshii wabigu naga xigay, waxay ku dul socotay biyihii, annaguna waanu kula dulsoconnay mana aanu qoyin. Waxaa hoos u furmay kadin kale, markii aanu galnayna waanu ka yaabnay. waxaa joogay makhluuq ka badan kii hore oo uu boqor kale dhex joogo. Sidii kii hore ayuu hadalkii ku bilaabay sidaan: ”Waxaan ahay boqor MUKUL lana dhashay boqor Maareeye, waxaanan idin tusi doonaa wax idin ka yaabiya” markaas ayuu soo qabtay ninkii naga maqnaa oo hortayada soo taagay asagoo qaawan asaan cawro ka muuqan, wuxuu yiri uga sheekee nimankaan siday halakan ku yimaadeen. Waxaa uu hadalkii ku bilaabay sidaan: ”Nimanyahaw anigu ma ahi aadane ee waxaan ka mid ahay dadka boqortooyadan, waxaanan ka maqnaa wax yar oo dhawr sano ah, waxaan ahaa nin u eg sidii kuwa ina soo qabtay oo kale ah, ha yeeshee waxaan sidiina u ekaadaa kolka aan hawl muhiim ah qabanayo oo aan aadanaha dan ka yeelanno. Waxaan magaladiina imid 3 sano oo tirsigayaga ah hortood, habeen la arkana waxaan u soo hoyan jiray kobtaan oo boqorka ayaan warka u keeni jiray. Waxaan ahay ninkii magaaladiinna u sheegay inuu soo sahamin doono gasiiraddii aynu u soconnay, ulajeedkaygu waxaa uu ahaa inaan aadanaha halakan keeno oo boqorka ayaa u baahday shaqo aadane si ay u fuliyaan aan halakan u keeno dad waliba rag ah. Marka ogaada inaad hawl qaban doontaan muhiim ah oo aad noqon doontaan dad hoos yimaada boqor MUKUL sida aniga oo kale. Markaas ayuu boqorkii ul uu haystay ku soo yuubay ninkii mase waa tabtii beledii kolkii hore na heshay oo kale ee madax aadanaha lahaa. Ee meel naga fog ka muuqda asaan boqorkii naga qarin.
Waxaa nagu sii batay yaabkii.
Waxaa hadlay boqorkii oo noo sheegay inaanu arrintaas ka tashanno oo haddii aanu yeelnana uu hawsha noo diri doono oo aanu halakan ku noolaan doonno oo barwaaqdaas ku dhex jiri doonno, haddii aanu codsanno inuu kobtayadii nagu celiyana uu yeeli doono.
Ammin yar ka dib ayaa waxaanu isku afgaranay inaanu boqorka ka codsanno inuu degmadayadii noo cesho si nabad ah . waanu soo laabanay oo boqorkii u nimid, waxaa uu na noo sheegay inuu mid mid u weydiin doono goaankii aanu wada gaarnay. Waxaa nala geeyey 9 goobood oo midba kan kale ka weyn yahay ayna ku dhan yihiin wixii bahal carrada ku noolaa. Nin waliba waxaa uu sheegay wixii lagu ogaa waxaan ahayn. Raggii kale waxay wada yiraahdeen waanu oggolaannay inaanu kula joogno oo boqortooyada ka mid noqonno, aniguse tii aanu isku ogayn ayuun baan sheegay ee ahayd inaan degmadayadii u baahnahay oo waliba anigoo nabad qaba rabo kobtaas. Markaas ayaa waxaa la I geeyey meel kale oo aanana hore u arag oo ka weyn meelihii aanu arki jirnay oo dhan. Waxaa yaallay dhammaan waxa nafta u roon oo dhan. Halkaas ayaa waxaa la igu casumay muddo 7 beri ah oo maalinba meel cusub la I soo daawadsiinayay. Waxaa la I soo baray 2 dii boqor ee dhinnaa, oo ayaguna kaba sii daran kuwii hore. Waxaa la ii ballan qaaday inaan si dhaqso ah ugu tagi doono dadkayga iyo dalkaygiiba. Waxaa kale oo la ii sheegay in nimankii la geeyey meel loogu talo galay aadanaha kuwa beenta badan oo fulayada ah.
Ammintii la gaaray goortaan ambabixi lahaa ayaa waxaa la I dhex keenay ciidan aan la arki karin meesha uu ku eg yahay iyo halka uu ka bilaabmo oo salaan sharaf Ii saaraya aniga. Deetana waxaa hortayda soo istaagay dooni midab cad leh. Ka dibna waan koray jeer ay daqiiqado gudohood igu keentay meel berrigii dadkaygu ku noolaayeen agteeda ah. Sidaas ayaan ku soo samatabaxay”.
N.B. Kulankeena danbe ayaan idin ka warrami doonaa la kulankaygii Boqorradii kale iyo inta ka harsan sheekada iyo shaqada loo diray siddeedii nin ee kale. ( continue )
qiso dhab ah
kusoo dhawoow newtechnology iyo sheeko macaan.
fadlan intaa wixii ka badan soo raac bage yo badan oo kale oo iyaga dhawaan la keeni doo no in shaa alaah .
Juxa iyo Sheekooyinkisii.
waxa layiri xiligaa Juxaa jiray baa maalin maalmaha ka mida ah loo dhiibay dameero oo la yiri soo warabi waxay ahayeen 10 dameeraad markuu celi kii ka soo noqday oo uu ada marayey buu is yir dameeri hii tiri isagoo saran mid ka mida dameerihii buu tiradii bilaabay makaa kii uusara wa ailabay oo tiradi kuam darin markuu kii ilabay waxa u soo baxay 9 dameeraaad waa uu yabay oo ka degay dameerku sara hadan dibu ayaa tiradii ugu ceshay waxa us soo baxay 10 dameera ah uu yabay wuxu yir markaan dameerka u baxan dameer baan la wayaye markaan ku geeyna dameer kii baa so noqnaya oo tiradi wa dhamanaysaa markaa wuxuu go aan saday inu uu lugihisa isticmaalo ilaa intuu guri gii ka ganayo iyagoo dhan oo xuubdo tiradii saka loo sii dhibay oo ahayd 10 dameerad marku gurigii tegay oo xereye buu dadkii u sheegay shekadi ku dhacday cidn waxba kama so qadin oo walxa yiri war waa Juxee inagdaya marka habeen badh kii bu xasuutay in uu ka ilabayey tirada damrkuu sara oo marku damrka ubaxan aan ku tirnayan damarka uu ku joogo marka shekada waxa ku so baxday maah maah carabi ah oo ahayd caqlul cabiidi manfasiqa saaca layal oomacnaheedu yahay sidan u malaynayo doqonka caqliguuso habeenkii bu kal miirmaa ama sifiican u shaqeeyaa wataa sheekadi Juxaa o aha nin carb ah
weli waxan ku jiraa Juxaa
Juxa iyo damiirkiisi.
Juxa ayaa dameer uu laha suuqa keenay sii uu u iibiyo nin doonayay in uu gato dameerka ayaa qabtay seyntii Dameerka, dabadeetoayuu haraati ku jiiday, haddana wuxuu fiiriyay ilkihiisa makaasuu dameerkii qaniinay ninkoo xanuunsanaya ayaa yiri juxow cidna dameerkan kaama gadaneyso, juxa ayaa u jawaabay oo yiri in ay cidi iga gadato uma keenin suuqa, ee markii horeba waxaan u keenay in leyla arko dhibka uu igu hayo aniga!!
weli waa Juxaa sheekadiisii
Juxa iyo ninkii Aqliga Badnaa
Beri baa waxa ajiray nin kaa Juxaa la yiraahdo maali mala maha ka mid ah ayaa juxaa wuxuu aaday beeraha wuxuuna ka doonay ood tan guriha badiyan alagu dhiso ka bacdi wuxu tegay geed dheer wuu u baxay wuxuuna is yiri oodi ka go wuxu ku fadhiistay laan ka mid ah laamihii uu goynayey ka bacdi nin meesh amaraya ba yiri war miyaad waalan tahay laanta aad ku fadhido ha gooyn waad soo dhacaysaaye ka bacdi juxaa dheg umaa dhigin nin kii nin kiina waa is ka dhaafay cabaar ka bacdi juxaa dhukuu ku soo dhacay ilayn laantii uu ku fadhiyey buu gooyaye ka bacdi nin kii wax u sheegayey oo meel halkaas ah sii socda buu ka daba caday oo yir war bal kaalay nin wax walba og baad tahay nin kaagan ii sheegay hadan laanta gooyo in aan so dhacayo nin kii waa yaabay markuu juxaa sidaa ku yiri juxa wuxuu yir war wala waxaad ii sheegtaa maalin taan dhimanayo waadigan mark kii hore iisheegay in aan ka soo dhacayo laanta hadan gooyee nin kii in tuu yabay bu gartay in uu nin kan nacsa yahay markaas buu yiri waxaad dhimanaysaa marka dameer kaagu qayliyo juxaa wuxuu maalin tii oo dhan firinayay dameer kiisa afkiisi dameera waa dameer marku dameero arko buu qayliya cabar ka bacdi dameerkii baa arkay dameero kale oo qaylo ugu qabtay juxaa waa ti nin kii ku yir marka dameer kaagu qayliyo waad dhimanaysaa juxaa waa u ramaystay sheegadii nin ku ku yiri oo wuxuu qatay mara cad wuxuuna aaday xabaalaha dadka lagu duugo isago isleh waad dhimanaysa wuxuu juxaa dhex seexda xaboolo magalada ka baxsan waxaa meeshi xabalah agtooda ahayd soo maray dad magalad aka lunsan oo wayaya waday u mari lahayeen waxa arkeen qof kaas xabalaha dhex jiifa waxay is yirahdeen qof kan waydiiya meel magalada loo maro waxay yirahdeen war qof kaan hurda meesh ama noo sheegi karytaa meel maglaadii naga xigto waa wada habawnaye markaas baa juxaa yiri markaan aduunka ku noola waxa loo mari jiray wadaa agtiin aah markaas bay yaabeen ioo yirahdeen nin kan miyuu walan yahay wuxuu k awada markaan aduunka ku noolaa waxay waydiiyiin wuxu kalmada u leeyahay juaxaa wuxu ragii u sheegay sheekadii oo dhan ka bacdi waxaa yirhadeen sida laguma dhintee ka kac meesha oo ina keen.
Waraabe iyo Dawaco.
Bari ayaa dawaco adhi fara badan ka cuni jirtay reero meel deggan. Adhigaas oo riyo iyo idaba lahaa. Maalin danbe ayaa dadkii meel isugu yimaadeen waxaaney ka wada hadleen sidii ay dawacadaa dhibta badan iskaga dili lahaayeen. Waxay dadkii talo ku gaadheen in dabin loo dhigo dawacada. Dawacadii waxay ku dhacday dabinkii loo dhigay. Dadkii waxay ku xidheen dawacadii geed jiridiis, si looga aarsado oo waxaa talo lagu gaadhey in dab lagu dhex rido.
Dadkii waxay soo gureen qoryo xaabo ah oo aad u badan. Waxay xaabadii ka buuxsheen god aad u weyn oo ay ka qodeen geedkii ay dawacadu ku xidhnayd agtiisa. Markaas ayey xaabadii dab ku huriyeen waxayna yidhaahdeen, "Aan iska tagno, oo marka dabku uu aad u shidmo ku soo noqonno oo dawacada ku dhex ridno." Waraabe aad u gaajaysan ayaa wuxuu maqlay cidii dawacada. Markaas ayuu soo orday oo is yidhi, aad ka eryatid neefka ay dilootey maanta, waraabihii wuxuu u yimi dawacadii xidhneyd.
Intuu yaabey ayuu ku yidhi, "Naa dawaco yaa geedka kugu xidh-xidhay?" Markaas ayey dawacadii tidhi, "Waxa igu xidhay adeerkay." Waraabihii (Dhurwaa) ayaa hadana yidhi, "Oo muxuu kuu xidhay?" Dawacadii ayaa tidhi, "Adeerkay aad buu ii jicelyahay." Wuxuu arkay in aan caato ahay markaa wuxuu ii qalay wan weyn oo aad u buuran. Dabkaasna wankaas ayaa lagu karin doonaa. Aniguna waan diidanahay in aan cuno wankaas buuran, waayo gaajo ima hayso oo maalmahan oo dhan ayaan hilib cunayey, oo waxaan ka cabsanayaa inaan calool xanuun ka qaado. Markii aan damcay in aan ka tagana, intuu i soo qabtay ayuu geedkan igu xidhay. Markaan hilibkii cuni kari waayeyna wuu i diley. Waraabihii ayaa intuu afka aad u kala qabtay illeen waa wax hilib iyo baruur jecele yidhi, "Ihi! ihi! ihi! aniga ayaa xariga kaa furaya ee aniga geedka igu xidh, si aan anigu u cuno hilibkaas adiguna uga nabad gasho." Markii dadkii ku soo noqdeen meeshii dawacadu ku xidhnayd, si ay dabka ugu dhex tuuraan, waxay u yimaaddeen waraabe ku xidhan geedkii. Dadkii ayaa intey yaabeen yidhi, "War Waraabe meeday dawacadii?" Markaas ayuu waraabihii yidhi, "aniga ayaa xarigii ka furay oo way tagtay."
Dadkii ayaa yidhi, "Oo maxaad uga furtay?" Waraabihii wuxuu yidhi, "waxay i tidhi dawacadii aniga gaajo ima hayso, ee hilibka la ii keeni lahaa adigu cun." Markaas ayey dadkii isagii dabkii ku tuureen. Sidaas ayaa waraabihii isku darsaday hunguri xumada iyo doqonnimada ku dhintay.
burao Somaliland.
Qiso Gaaban: Wiil Waal iyo Cali
Lugo Goroyo ma Horaaddaa mise waa Dambeeddo
Baribaa waxaa jiray boqor caan baxay oo Soomaaliyeed oo ka talin jiray degaanka Jigjiga caasimadda u tahay. Waxaa boqorkaa la odhan jiray Garaad Wiil Waal wuxuuna ahaa nin aragti soofaysan, aftahanimo, iyo hogaamin aad u heer sarraysana Alle weyne ku manaysatay. Wuxuu dagaal galaa-bixin jiray niman Galla ah oo uu dhul badan ka furtay. Wuxuu ahaa nin weedhiisu ka socoto degaanka u dhexeeya Herar iyo Jigjiga iyo dhulalka dariska la ah. Colaad iyo nabadgelyaba wuxuu ahaa hormuud Soomaaliyi ku dhaarato gabyaa culusna ah. Saldano taam ah iyo tol aad u tanaaday oo xoog badan markii uu isku hubsaday ayuu is cajabiyey oo wuxuu isku qanciyey inaan Bartire nin la aragti ah ama kusoo dhaw ku jirin.
Sidoo kale waxaa jiray wiil dhalin yar oo qeyrada Garaadku ka dhashay ahaa Ilaahayna dadka wax walba uma siminee ku manaystay bidhaan, hadal macaan, aftahanimo, iyo garasho heer sare ah. Cali ayuu ahaa magaciisu. Wuxuu Cali caashuqay haweenay ka mid ahayd haweenkii Garaadka oo uu wacad ku maray inuu wax walba oo aan dhiig-sokeeye ahayn oo ay ku qaadataba mar guri haweenaydaasi xaas ka tahay yagleelo. In muddo ah wuxuu ku taamo siddii dabin mar haweenaydaa uu kula kulmo uu qooli lahaaba, habeenkii dambe ayuu ku guulaystay inuu la kaliyeysto oo haasaawe aan kala go’ lahayn iyo ‘hadal beenta ka fiican runna raad ku lahayn’ la qaadaa dhigay.
Mar saddexaad waxaa jirtay xaaska Garaadka ee Cali jeclaaday oo ahayd haweenay aragti fog Garaad Wiil Waalna u ahayd dhidib adag, mar walba halkii uu goldaloolo ka yeelan karaba u tilmaanta, xasarad walbana u marta siddii saygeedu ugu nagaan lahaa saldanada Bartire islaweyni iyo qab ragna uusan sabab u noqonin burburka boqortooyadan balaadhan. Waxaa u muuqatay muhiimadda ay boqortooyadu u leedahay tolkeed oo colaad af-dhiige ah hareeraysay iyo in hogaamiye sida odaygeeda adag aysan ka maarmin. Sida aad sheekadaba ka dheegan doonto waxay ahayd gabadh aan ragga waxba u ogayn dhinac walba oo aad ka eegto kuna haboonayd inay Garaad Wiil Waal u dhaxdo.
Inkasta oo ay garashada qofka Soomaaliyeed ku adagtahay in shaqsi kale udub dhexaad u noqdo sheeko Garaadka magaciisu ka dhex yeedhay haddana waxaa xaqiiqo ah inay lama huraan tahay in Cali lagu hormaro si qodbaqaadka sheekadu u hagaago.
Cali afadii Garaadka waa kii jeclaaday. Wuxuu sheedda ka ilxoolaadiyaba habeenkii dambe ayuu sida kor ku xusan badheedhihiisii caddaystay. Naa dee waan ku jeclahay oo adiga ayaan dumar kaa calmaday haddii aadan wax ila qabanna halis ayaan ku jiraa! Intaa dumar Ilaahay badiyey mid aan adiga ahayn oo aan sidaa u eegaayi ma jirto. Sidaa awgeed nin dhalin yar oo ku dhaqan kara maskax iyo maalna Ilaahay siiyey ayaan ahayee ‘ha i diidin waa anigaa ku jecel sida dhashaadiiye’ ayuu wax qalqaashaday. Haweenaydii haye iyo hawraarsana ma odhan hah iyo hoogayee muxuu yidhi, naa yuu imooday toonana ma odhan. Hadal aflagaado laga dhawray diidmo qayaxanse ah ayey ku yuubtay. Waxay damacday inay dhinacyo badan wax ka tusto iyadoo waliba rabta inay ka gun gaadho damaca xiiraya ee Cali.
War miyaadan ogeyn inaan Garaadka xaaskiisii ahay oo miyaadan naftaada uun u baqaynin wax walba oo kale haddii aad xeerin weydo? Miyaadan wiilkaa yar ee xariirta ah ahayn oo dumar taad doontaba ka heli karin, maxaad ku doontay haweenay nin kale u dhaxday? Miyaan gabdho turaabtaa ahayn see wax yihiin? Hadalo aan sidaa iyo si u eg ku qiyaasay ayey gabbaad ka dhigatay oo ku bushisay damacii Cali. Nin meeli u caddahay meeli ka madow baa la yidhiyee Cali caqli celintaasi ma kaafiyin ee naa waxaa ka bax oo waan ku rabaaye anigaa arinta maarayn doona ee ha i diidin oo mar uun haye afkaaga ha ka yeedho ayuu soo celiyey?
Waxaad moodaa Cali inuu aad ugu dhagganaa fikir raggii xilligaa noolaa badankiisu qabay oo ku salaynaysnaa maahmaahdii isla iyagaasi sargooyeen ee ahayd “kas naageed oo kadaloob rag kaaga dambeeyey kaad ogayd ma aha.” Inkasta oo haweenayda rabitaankeedu caddaa, wax damac ah oo ay u haysay Calina uusan jirin, inay markaaba ku dalbato rag u dhaga nugul fulinta amarka Garaadka si ay abaalkii uga waraabiyaana awooday, si kale ayey maaganayd oo waxay rabtay darsi lama iloobaan ah in odaygeeda ka barto dhacdadan. Calina isagooy maahmaahdaa khaldan maddaxiisa ka guuxayso kartidiisa iyo hadal wanaagiisana ku kalsoon ayuu in badan abla-ableeyey siddii uu gabadha madaxeeda minjo oogu roggi lahaa.
Jilibka ayuuu xodxodasho u aastay. Wax la haasaawaba goortii in la kala hoydo loo hogbaday ayey waxay dacal go’ii uu hulaabnaa ka mid ah marisay asal si ammaarad barri loogu garto ay u noqoto. Ha la yaaabin in Cali go watay maxaa yeelay waqtigaas ragga Soomaaliyeed sidaa ayey u labisan jireen waxayna ahayd intaan macawisaha, saraawiisha iyo dhamaan dharka tolan geyiga Soomaaliyeed soo gaadhin. Cali isagoon wali dhooroofin sirta ay haweenaydu la damacsan tahay damaciisiina aan waxba uga hirgalin ayuu cadho la luuday. Wuxuuse naftiisa ku samirsiiyey inuu soo noqon doono isna oggolaysiin doono haweenayda.
Kalkii xigay ee Garaadku gurigiisii usoo hoyday ayey maamuus ka dib waxay afadii u sheegtay wixii dhacay oo dhan oo waxay tidhi nin kula caqli iyo hawaba ah ama noqon kara ayaa Bartire ku jira ee hooy qabka jooji. Ninbaa xalay oo dhan i shukaansanayey oo go’aan ku gaadhay inuu iga kaa qaado. Garaadkii ayaa cadho cirkaa maray oo si qaadasho waa iyo quudhsi ku jiro u yidhi waa kuma ninkaasi habeenkaa caawa ah ayaan unuunkiisa jarayaaye? Way u dajisay oo tidhi waxba inaad dagaalantid uma baahnid saa damac uu isagu i damco waa halkiisee, waxba iga qaadi mahayo aniguna doonimahayo isaga. Waxaanse kuu shegayaa calaamad aad ku garan doonto barrito marka tolku shirayo ee aad ragga Bartire isagu yeedho. Oo maxay tahay calaamadaasi ayuu weydiiyey? Afarta faraq ee go’iisa mid ka mid ah ayaan xalay aslay oo sidaa ayaad ku garan doontaa. Waayahay bal barito waxaan ku dhigo hala soo dhawro ayuu Garaadkii ku seexday.
Cali nin irdhoon buu ahaaye gurigiisii markii uu tagay kadib ayaa waxaa ishiisu qabatay go’iisa oo ini guduudan tahay oo asal waxaad moodo ka muuqdo. War tolow yaa kuu cillaamay, ayuu isweydiiyey. Islamarkiiba intuu isagu isu jawaabay ayuu wuxuu fahmay inuu suntanyahay oo calaamad ragga lagaga sooco haweenaydii ku dhufatay. Wuxuu goostay inuu is badbaadiyo si aan qorshihiisu u fashilmin amnigiisuna halis u galin. Habeenkii ayuu si dhuumasho ah u guureeyey oo rag lagu qiyaasay 20 oo kuwa barri geedka shirka iman doona ka mid ah in asal ah go’yaashoodii kusoo wada jiiday. Haddii la barqaystay guurtidiina isu timid Garaadkii ayaa si doqoni ma garatay ah isha raggii ula raacay bal si uu u arko yarkii xalay afadiisa shukaansaday.
Jahjahasho gaaban ka dib, wuxuu la kulmay wax mucjiso ku noqday. Rag aan ka yarayn 20 oo wuxuu arkay mid walba dhinaca asal ku leeyahay. Haweenaydiisii ayuu u cadhooday oo uu is yidhi maxay kaa lugoynaysaa! Gurigiisii markuu ku noqday ayuu warsaday waxa ay uga jeeday macluumaadkii ay siisay. Ninkii miyaadan arag ayey su’aashay, suuye ilaa 20 nin ayaa dacalka wada casaa ee waa see xaalku? Miyaanan kuu sheegin in nin kula garaad ah Bartire ku jiro ayey u celisay, qosol dheer dabadii.
Habeenkii xigay ayuu Cali soo noqday oo isku dayey bal inuu mar kale beer jileecsado haweenaydii isagoo hadalo macaan ka dib weydiiyey bal in mawqifkeedii wax iska badalay. Xaaraan caleeg iyo maya ayey isu raacisay inuusan meesha ku dibdhicinna way u sheegtay hase yeeshee waa layska haasaaway in muddo ah ileen midkood walba dan gooni ah ayuu wataaye. Markii uu dheelman doono ayey isagoon dareensanayn go’ii uu hagoognaa fiidda hoose in yar ka goysay si bal ay calaamad ugu noqoto Garaadka barritoole uguna aqoonsado Cali. Markii Garaadkii soo hoydayna warkii ayey ku taabatay oo tidhi waxaad raadisaa nin dhinac go’an. Garaadkiina waa yahay kan yar bixisaa wadaan u malayne ayuu ku laabriixday.
Cali haddii uu gurigiisii tagay wuxuu markiiba isha ku dhuftay go’iisii oo dhinac dulaaqan yahay wuxuuna gartay in haweenaydii mar kale sumadday. Isla habeenkii ayuu guuray oo uu si kali kali ah ula kulmay kontomeeyo nin oo uu ka dhaadhiciyey in Garaad Wiil Waal faray in dhammaan ragga barri kulmi doona mid walba go’iisa dacal ka gooyo. Waa arin yaab leh oo ay adag tahay inaan fahamno wuxuu uga jeedo laakiin waa Garaadkeenii waxaanan hubaa inuu wanaageena laabta ku hayo sidaa awgeed waa inaynu adeecnaa oo aan fulinaa amarkiisa ayuu xujaystay. Imisa jeer ayuu hadda ka hor arin fajac badan inoola yimid; tanina waa mid kuwii hore uun la mid ah, ayuu raaciyey. Nimankii way qanceen dhamaantoodna waxay ku dhaceen dabinkii Cali oo ay farqaha wada jarteen.
Shirkii markii la yimid subixii xigay wuxuu Garaadkii fiirfiiriyey nin go’ dhinac go’an wata hase ahaatee wuxuu arkay in ku dhawaad dhamaan ragga meesha jooga dacalku u wada jaran yahay. Talaa ku caddaatay oo in ninkii gedogedayn jiray ged cusub lasoo baxay ayuu xaqiiqsaday. Cawaysinkii ayuu xaaskiisii uga waramay in rag ilaa kontomeeya ah oo go’yaal dhinaca wada go’an wata goobta joogeen. Qosol ayey ka wareegtay mar labaadna ku abhisay inuusan is mahadinin oo aan islaweyni indha duubin maxaa yeelay rag caqli u saaxiib ah oo kale ayaa Bartire dhex bariisan haya.
Habeenkii saddexaad ayuu Cali mar kale isku dayey inuu haweenaydii beer laxawsado isagoo kolba sheeko cusub oo tii hore ka macaan u saaraya. Way uga dhaaratay inay waxba ka yeesho oo inna wax beer nugayl ah wuu kala kulmi waayey. Waxay damacday inay fashilkiisa si habboon uga shaqayso iyadoon rag isku dilin. Waxay haddaba la gashay sheekooyin kale duwan oo dhacdooyin hore sida dagaalo, taariikho, jacayl iwm isagu jira oo Bartire dhexdiisa ah. Habeenkii oo dhan ayey halkii fadhiyeen oo sheekaba sheekay keentaaye barigii kalana waa tiida gureen, siddii laba ruux oo waligood is yaqaanay in muddo ah aan is aragna u sheekaysteen iyadoo waliba aqalka daahu u xidhan yahay. Goor ay waa soodhawaadkii tahay ayuu Cali is arkay isagoo gunduruxsanaya oo wakhtigiiba illoobay markaa ayuu gurigiisii u dheelalaabay isagoo og in mar dhaw shirkii la isugu iman doono.
Waagii haddii uu baryey ayaa Garaadkii reerkiisii soo bariidiyey isagoo waliba hinfidh ka muuqdo; naa maxaa la sheegay? Nabad iyo naxariis. Oo xalay oo dhan aqalka daahu waa u dheeraaye see wax u jiraan? Waxba ma jiraanee, adigu saw ima aaminsanid aniga, ayey wediisay. Wanaag iyo intii dumar lagu raaco oo dhan ayuu ku yaqaanay wax uu u aamini waayana hadda ka hor kuma arag sidaa daraadeed waxaa u banaanaa oo kaliya inuu yidhaahdo haa oo waan ku aaminsanahay. Sidaa unbuuna yidhi. Haddaba haddaad i aaminsan tahay xalay oo dhan ninkii isagaa ahaa ayaa guriga joogay oo aanu sheekaysanaynay wax aan sheeko ahaynna nama dhax marin ayey u celisay. Markaad maanta geedka tagtaan waxaad ku garan doontaa sifo uusan xariifnimo kale oo uu ku badalo heli karin. Oo maxay tahay ayuu Garaadkii weydiiyey. Waxaad arki doontaa ileen waa nin xalay oo dhan soo jeedayee isagoo madaxa hoogaaminaya oo lulmoonaya. Waayahay bal aniga iyo isaga ha laysku eego maanta, ayuu yidhi.
Geedkii ayaa raggii isagu yimid. Cabbaar haddii uu fiirfiiriyey waxay markiiba ishiisu qabatay barbaar gooni ragga uga fadhiya oo aad moodo inuu xadraynayo. Waa sidee saaxiib, maxaad ugu lulmoonaysaa shirka dhexdiisa miyaadan xalay seexan ayuu Garaadkii weydiiyey? Talo faro ka haaday, ma is tidhi? Maya, kama haadin ee Cali nin garashadiisu gaashaan qaad tahay ayuu ahaaye markiiba wuxuu gartay ujeedada hoose ee su’aasha Wiil Waal si degani iyo kalsooniyi ku jirtana ugu jawaabay “maya Garaad ma lulmoonayo ee waxaan ka fakarayey lugo goroyo ma horaadaa mise waa dambeeddo.”
Garaadkii oo markiiba fahmay in ninku ninkii xariifka ahaa ee haweenaydiisa shukaansaday yahay ayaa qosol la dhacay. Waxaad tahay damac-badanihii isaga ahaa ee aan dhawrka jeer ku guuldaraystay inaan helo; saw ma aha adiga ninka xaaskayga hunguriyeeyey? ayuu Wiil Waal si cod dheer u yidhi. Guurtidii geedka fadhiday ayaa mar qudha dhinaca Cali wada eegtay iyagoo mindhaa u naxsan aayo xumada uu la kulmi doonana ka welwelsan. Waxay islahaayeen koley yarku ciqaab mudaye ciqaabtaasi ma dil qudh-gooye ahbaa mise waa dakhar in badan uu la dhul jiifi doono. Waxaa laabtooda ka guuxday su’aasha ah tolow inta ficil xumo badatay see Garaad Wiil Waal reerkiisa Cali u hawstay!
Cali isagoo raba inuu jawaabo oo is xujo bixiyo ayaa intuusan wali hadlin Garaadkii hadalkii mar kale qaatay oo soo jeediyey dhammaan guurtidii geedka fadhiday isagoo leh: Bartirow i maqal haddii tii Rabbi ii timaado waxaad hogaamiye ka dhigataan oo aad doorataan wiilkaa yar maxaa yeelay waa nin garasho culus oo aan iga dhicin dabagalkiisana aydaan ku khasaaraynin.
Intaasi hadday Garaadka afkiisa kasoo baxday qosol gariir male beenoobay uu sababay ayaa wajiyada guurtidii geedka fadhiday ka muuqday waxayna mar kale si hanbalyeyn u eg u wada eegeen dhinacii Cali geedka ka fadhiyey madaxana u yara gundhiyeen. Calina shaw is yar atooree oo inuu mansab hor leh oo uusan Bartire ku dhex lahayn ku yeelan doono niyadiisa u sheeg.
Halkaa ayey Cali iyo Garaad Wiil Waal isku barteen, raadintii iyo rabitaankii Calina ku ibo beelay, haweenaydiina ku badbaadisay colaad iyo ciil sokeeya iyadoo naf ahaanteeduna ceeb-ka-saliim ah.
Wiilkii Caqliga ka Qaaday Boqorka.
Sheekadan waxa kamid tahay Sheekooyinkaan yaraantaydii xiisayan jiray. somalida markay joogeen somalia ma ayalahan TV laga dawado mada daalada caruuta waxaa caruuta somaliya mid magaalo iyo mid baadiyeba lagu mada dalin jiray sheekooyin ah khiyaali. sheekoyinkaas oolayska soo dhaxli jiray ninba nin ka kale u soo gud bin jiray illa iyo maanta soco ta. sheekadan caruutii aan wada ciyaari jiray baa iiga sheekaysa. illaa iyo maanta oo aan ahay nin wayan weli way ku jirtaa maskaxdayda maaha cartuun ana yartii dawada oo ana ilaabay ee waa wax aan xiise wayan u ahyan aadna u degay maskaxdayda.
waxay ka bilabataa sidan.
waa baa waxaa jiray Wiil iyo aabihii waxaay ahayeen reer aan xoolo fiican lahayan markaa meeshay deganyeen waxaa xu kumi jiray nin boqoro ah nolo saren ku nool markaa wiilkan oo ah da yar baa aabhii baray habka wax loo xado. waxay ku shaqaysan jireen isaga iyo aabihii meel lagu tumo birha shaqdaa waaxaa u dheeraa Tuugada maxa yeelay xoolo may haysan aan ahay kay dadka ka soo xadan makr maalin tii danbe baa wiilkii aabhii ku yiri aabe waxaan yar yar ee aan xadayna wax inoo noqon maysee aan boqorka magalda qasnadiisa jabsano. taladaas ba la soo jeediyey markaa sidii furaha lagu heli lahaa baa la raacay waxaa furanha qasnada ahay nin u aha bide boqorka oo aan laga qadi karnay furah una xilsaaran muhimada qasanda boqorka (dahabka ) markaa waxa la soo ogaada wiilkii iyo aabhihii ninkan bidaha ahi meeshu arootii ka quruucdo meeshii baala yiri aan tagno waxayan ku balameen wiil kii iyo aabhiin. markaan meesha galo oo aan quraacda cuno baa odaygii yir aan isas suuxinaya oo sika dhigaya sidi wax miyir beelay marka adiga waxaad tirhadaa alaal aabahay baa suuxay ee yaa fure hay aan cidhibka ka gubee. waa khiyamo loo dagay ninka furaha haee markii meeshii la galay oo ay arkeen nin kii baa sidii la sameey odaygii baa isa suuxiyey markaas baa wiil kii qayshay war ii miciin aabahay baa suxaye waa lagu soo uruuray markaas ba la waydiiya oo layiri wiil kii aabahaa marka uu suxuu maxa la siiyaa markaas buu yiri waxba la siiyee Furaha qafilka lagu fur baa inta la kulayliyo cagta cidhibteeda lagag dhejiyaa ee yaa furayaal haya markaa kii cabiidka aha oo dadk meesh joogay ka mid ah ba yiri war ana ahay fure hadii uu wax u qabanayo oadayga suuxay. furihii buu u dhiibay yarkii. yarkii intuu furhii qaday buu dakii makhaaxida soo geliyey oo isago kulu buu abihii cidhibtiisa ku dhejiyey markaas buu booday odaygii intii furha kulu ka taabtayna waxaa caadi isagu sawiray furihii. markaas baa wiilkii nin kii cabiidka ahaa ee furaha u dhiibay buu u ceshay furuhii oo yiri waad mahadsantahay. wiil kii iyo aabhii ilayan waa sheeko laysala ogaaye waa la kacay waxa la aaday meeshii ay biraha ku tumi jiraa waxaa la qaday sawirkii furaha ee odayga cidhibtiisa ka soobaxay waxan laga soo samaytay fure kii oo kale ah kii bidaha boqorku hayay oo kale ah. waxaa la aaday kaasalkii (daartii) boqorka si loo soo dhaco dahabka boqorka waxa laysku beegay goor ahbeen ah markii ay noqtay mugdi baa loo dhacay boqorka gurigiisii waxaan la furay meeshii dahabka ee boqorka markii dahabkii la soo qatay ee lala marayey meel sare oo la rabo in dibada loola dhaco baa wax arkay gaadh haye ku dhow oo ilalinay guriga boqorka korkiisa markaas buu ka soo daba orday wiil kii markuu aarkay ninka soo oraday buu booday odaygiina wuxuu siday dahabka qaybtii markaas buu is yiri dahabka hor tuur adigna ka daba bood markuu dahab kii tuuray oo uu ku dhacay dhulak hoose wiilkiin hoos joogo baa nin kii gaadha ahaa ku soo garay odaygii meeshiii isagoo aan weli boodin wuxnuna odaygii ak gooyo qoorta wiil kii wuxuu hoos ku sugaaye aabihii inuu soo boodo lakiin waxaa ku soo agdhacay aabihii madaxiisii. ( continue )