بسم الله الر حمن الرحيم
السلا م عليكم ورحمةالله وبركاته:
بعدالسلا م: اخي المسلم او اختي المسلمةتذكرو الم الموت وشداده ،ولا بدان تذوق هذاالالم في يوم من الايام .
كل ابن انثي وان طالت سلا مته يوماعلي الة حذباء محمول
salaan qaali ah ka dib walaalayaal bal aan is xasuusino ilaahay sida uu u oofsaday rsuulkiisa S/C/W, iyadoo noo noqon doonta wax ku qaadasho aanan rajaynayo inay wax wayn ka badali doonto nolosheena dhamaan.
walaal gudbi waraaqdaan intii karaankaaga ah si ay kuugu noqoto wax aad ilaahay hortiisa la tagto maalinka qiyaamaha adoo sheeganaya inaad dad badan aad gaarsisay qayb ka mid ah diinta.
Oofsashadii Nabigeena calayhi salaatu wasalaam
Nebigu wuxuu jiranaa 18 maalmood oo ay Asxaabtu booqanayeen Xanuunkiisa, Xanuunkii ugu horreeyay wuxuu ahaa Madax-xanuun,habeenkii isniinta ee uu maalinkeeda dhiman doono ayaa xanuunkiisii cuslaaday.
Sayid-Bilaal ayaa aadamay aadaankii salaadda subax wuxuu istaagay albaabka guriga Nebiga, wuxuuna yiri: (Assalamu caleyka yaa rasuululaahi) Faaduma ayaa tiri: 'Rasuulkii Illahey nafsadiisa ayuu ku mashquulsan yahay, markii salaaddii cadaatay ayaa Sayid-Bilaal soo laabtay, wuuna salaamay rasuulka sidii hore oo kale, dhawaaqii Bilaal waxaa maqlay rasuulka wuxuuna yiri: 'soo gal Bilaal', waana soo galay Bilaal isagoo ooyaya Rasuulkuna SCW wuxuu yiri Bilaalow jiradii ayaa igu cuslaatay ee ha tujiyo salaadda dadka Abuubakar Sadiiq. Bilaal waa baxay isagoo madaxa gacmaha saaranaya, dhahayana musiibo ayaa noo timid iyo ereyo kale oo la mid ah.
Masjidkii ay uu galay, wuxuuna Abuubakar ku yiri 'Nebigu wuxuu ku amrayaa inaad salaadda tujiso' Abuubakar markii uu arkay mixraabkii uu Nebigu NNKH istaagi jiray oo faaruq ah wuu hanan waayay nafsaddiisa waana la miir daboolay waana qeyliyay, muslimiintii oo dhanna wey qeyliyeen, qeyladii ayuu maqlay Nebigu NNKH wuxuuna weydiiyay gabadhiisa Faadumo wuxuuna yiri ' Faadumoy waa maxay hugunka iyo sawaxanka yeeraya?' waxay tiri Faadumo 'Muslimiintii ayaa qeylinaya markey ku waayeen'. Rasuulku wuxuu u yeeray Sayid Cali iyo Fadal Bin Cabaas, weyna garba galeen waxeyna geeyeen masajidkii salaaddii ayuuna ka baxshay asxaabtii, salaaddii kaddib ayuu rasuulku NNKH la dardaarmay asaxaabtii wuxuuna yiri: 'Waxaan idiin dardaarmayaa oo aan idinku sagootinayaa cabsida Illahay iyo inaad adeecdaan oo aad amarkiisa qaadataan anigu waan faaruqayaa (ka tagayaa) adduunyada, maantana waa maalintii iigu dambaysay adduunyada iiguna horreeysay Aakhiro'.
Intaa kaddib Nebiga NNKH waxaa la geeyey gurigiisa, Illahay ayaa u waxyooday Malakul-mowt wuxuuna yiri: 'Hoobo (u tag) xabiibkayga (kaan jeclaa) Muxammad NNKH uguna tag suurad wanaagsan una dhimri (naxariiso) marka aad ka qaadaysid nafta, markii aad u tagtid idan weydii, haddii uu kuu idmo u gal gurigga balse haddii uu kuu diido ha u galin, kana soo laabo'.
Malakul-mowt wuxuu u tagay Nabigeena Muxammad NNKH isagooo u eg nin reer baadiye ah, wuxuuna yiri: 'Assalamu calaykum ma soo galaa?' Faadumo ayaa la hadashay oo tiri: 'Ninyahow rasuulkii Illahay wuxuu ku mashquulsan yahay nafsadiisa'!!
Malakul-mowt mar labaad ayuu ku celiyey salaantii, waxaana maqlay rasuulkii.Rasuulka NNKH ayaa Faaduma ku yiri: 'Ma garanaysaa ninka?'. Faaduma waxay tiri: ' Maya' rasuulku wuxuu yiri: 'waa ninka gooya macaanyaalka, kala geeya (kala wada) dadka is jecel, kharaabiya guryaha, camira Qubuurta, ilmaha agoonteeya, naagahana garoobbo ka dhiga, waxaana la yiraahdaa Malakul-mowt'.
Faaduma markay ogaatay in ninku yahay malakul-mowt ayay ooysay, waxayna tiri: ' masiibo ayaa nagu dhacday, waxaana dhimanaya rasuulkii Illahay ee ugu dambeeyey ambiyada, waxaa naga go'ayaa wax'yigii samada ka imaanayey, waxaan weyneynaa hadalkii rasuulkeena, maanta kaddibna maqli mayno salaantii Aabahay.
Rasuulku wuxuu yiri: Faadumoy waxaad tahay qofka ugu horreeya ee aan is haleeleyno (isla kulmeyno)' wuxuu kaloo rasuulku yiri:' malakul'mowdow soo gal' wuuna soo galay malakul'mowt, wuxuuna yiri. 'Assalamu calayka yaa rasuullulaah' rasuulkuna wuxuu yiri 'wacalaykum assalam yaa malakul-mowt, ma waxaad iigu timid inaad i soo siyaarato mise inaad iga qaado nafta?'. Malakul-mowt wuxuu yiri: 'waxaan kuugu imid inaan ku soo siyaarto kaana qaado nafta haddii aad ii idinto, balse haddii aad ii idmi weyso waan iska laabanayaa! Rasuulku wuxuu yiri: 'malakul-mowdow xaggee uga soo tagtay malakul-jibriil. Malakul-mowt wuxuu yiri:'waxaan uga soo tagay samada adduunyada', isla markiiba waxaa yimid malakul-jibriil, wuxuuna fariistay Nebiga madaxiisa, wuxuuna rasuulku yiri: 'miyaadan ogayn in amarkii dhawaaday? Wuxuu yiri:'waan ogahay rasuulkii Illaahayow'.Rasuulku wuxuu yiri: ' iigu bishaarey Illaahay agtiisa waxa ii yaala oo karaama ah (wanaag ah)'.
Malakul-jibriil wuxuu yiri: 'albaabada samada waa la wada furay, malaa'igtii Illaahayna saf bay galeen iyagoo sugaya ruuxdaada, albaabadii jannada waa la wada furay'. Rasuulku wuxuu yiri: 'iigu bishaaree siday ahaan doontaa ummadaydu maalinta Qiyaamaha?'.Malakul-jibriil wuxuu yiri: 'waxaan kuugu bishaaraynayaa Illaahay inuu yiri: Jannada waan ka xarimay (u diiday) ambiyada illaa Nabi Muxammad NNKH galo, sidoo kale jannada waan ka xarimay ummadaha Illaahay oo dhan illaa ay ummadda Nabi Muxammad ka galaan'.Rasuulkuna wuxuu yiri: 'hadda ayuu diib noqday (wanaagsanaaday) qalbigaygu, igana suushay murugtii'.
Rasuulku wuxuu yiri: 'malakul-mowdow ii soo dhowow'. Malakul-mowt waa u soo dhawaaday naftii ayuuna ka jiiday illaa ruuxdii ka soo gaarto xudunta.Rasuulku wuxuu yiri: 'maxaa darnaan badiyey xaraaradda (xanuunka) mowdka', wuxuu kaloo yiri: 'malakul-jibriilow ma waxaad dhibsatay fiirinta wijigayga?'. Malakul-jibriil wuxuu yiri ' Illaahay xabiibkiisiyow yaa awood u leh inuu fiiriyo wajigaaga adigoo sakaraadaya'. Aanas Binu Maalik wuxuu yiri: ' Nabigu markay naftu ka baxaysay wuxuu lahaa: Waxaan idiin dardaarmayaa salaadda iyo wixii ay hanatay (milkisay) gacmihiinu.
Rasuulkii Illaahay waa geeriyooday maalin isniin ah ee bisha rabiicul-awal ka mid ah, ama loo yaqaan mowliid. Haddii adduuniyo lagu baaqi yeelayo qof, waxaa la dayn lahaa rasuulkii Illaahay:
Rasuulka waxaa mayray Sayid Cali, waxaa ku shushubayey biyaha fadal bin Cabaas iyo Usaama bin Zayd, waana la karfanay, waana lagu tukaday, waxaana lagu duugay gurigiisii ee qolka Caa'isha RC, habeen arbaco ah ayaana la duugay Suubanaha NNKH.
udir dadka muslimiinta ah ilaahey ajir iyo xasanaad fara badan hakaa siiyee,
Cllaahi Ibn Cabaas (RC) waxaa uu yiri in Nabi Muxammad markii uu dhameystey xajkiisii ugu dambeeyey oo ku beegneyd sanaddii 10aad ee Hijriyada uu hor istaagey iridda laga galo kacbada barakeysan, isago gacanta ku haya qufulka iridaasi, isla markaana ku dhahaya asxaabta ' MA IDIN SHEEGAA ASTAAMAHA MAALINTA QIYAAMAHA LAGU GARTO?
Salmaan Faarisi oo ka mid ah ahaa asxaabta isla markaana taagnaa meel u dhow nabiga CSW, ayaa yiri ' Haa Yaa Rasuulu Allah CSW inoo sheeg'
Rasuulka ayaa markaa yiri ' Xaqiiqo ahaan, astaamaha lagu garto inay soo dhowaatey saacadda waxaa ka mid ah 1) in dadku ay salaadda dhayalsadaan
2) Dadku waxay u hogaansami doonaan hawadooda ama shahwaadkooda.
(3) Waxay ku dadaali doonaan inay naftooda uun u roonaadaan, waxayna aad u xishmeyn doonaan dadka maalqabeenka ah.
4) waxay iibsan doonaan diintooda iyagoo ku bedelanaya aduunyo
5) Waqtigaasi la joogo ruuxa iyo qalbiga muminka ah waxay noqon doonaan kuwo murugo darteed u milma, soda milixda ama cudbada ay ugu milanto biyaha, waayo Mu'minku waxaa uu arki doonaa waxyaabo la xaaraantinimeeyey oo lagu dhaqmayo, mana woodo inuu wax ka bedelo.
Salmaan ayaa markaa yiri waxaasi ma dhici doonaan , Yaa Rasuulu Allah CSW?
Rasuulka CSW ayaa yiri, haa waxaan ku dhaaranayaa Rabiga nafteyda ay gacantiisa ku jirto, isagoo raaciyey
6) Waqtigaasi kuwa xukunka haya waa kuwo dhaalimiin ah
7) Wasiiraduna waxay noqon doonaa kuwo caasiyaal ah
8) Kuwa xilalka loo dhiibana ee amaanada lagu maaniye waxay noqon doonaan kuwo wax khiyaameeya
9) Xaqiiqdii watigaasi xumaanta waxaa loo arki doonaa wanaag, wanaagana waxaa loo arki doonaa xumaan
10) Kuwa wax khiyaana waxaa loo arki doonaa kuwo aamin ah, kuwa aaminka ahna waxaa loo arki doonaa ianya waxa khiyaameeyaan. Kan beenta sheegana waa la maaini doonaa, halka kan runta sheegayaa loo arki doono inuu beenaale yahay
11) Waqtigaas waxaa kale oo jiri doonaa maamulo ay haween ka taliyaan.
12) Khiyaanada ama in wax la is daba mariyo waxaa loo arki doonaa ilbaxnimo
13) Zakada bixinteeda waxaa loo arki doonaa sida iyado qofka lagu soo rogey inuu bixiyo ganaax, hantida ummaduna waxay noqon doontaa sida hanti u ruux si gaar ah u leeyahay.
14) Ruuxa waxaa uu kibir kula dhaqmayaa waalidkiisa,, waxaana uu si wanaagsan ula dhaqmayaa saaxibadiisa
15) Xiligaasi waxaa la arki doonaa xidigo gadaal ka jiidan (comets)
Salmaan ayaa markaa yiri waxaasi ma dhici doonaan , Yaa Rasuulu Allah CSW?
Rasuulka CSW ayaa yiri, haa waxaan ku dhaaranayaa Rabiga nafteyda ay gacantiisa ku jirto, isagoo raaciyey
' Salmaanow
16) Waqtigaasi haweenka waxay ganacsiga kula shirkoobi doonaan raggooda
17) Roobka di' doona waxaa uu noqon doona mid kuleyl wata.
18)Dadka wanaagsani waxay noqon doonaan kuwo murugeysan, maaskiintuna waxay noqon kuwo aan la xishmeyn, waxaana jiri doona oo kale suuqyo isku dhow, waxaana ganacsatdaa sida aadka iugu dhow uu mid kasta oran doonaa, naigu waxba maan iibin, kan kalena wuxuu oran anigu wax faaido ah maan helin. Sidaa darteed ma wayn doontid qof Ilaah u cabanaya Subxaanahu watacaalaa.
Salmaanow
19) Waxaa dhici doonta in dadku hadii ay ka hadlaan arrimaha dadka talada haya, waxay la kulmi doonaan dil, hadii ay aamusaanna, waxaa khasab lagaga qaadi hantidooda, wax xishamd ah lama siin doono, dhiigooda ayaa la daadin, dadkana quluubtooda waxaa ka buuxsami cabsi, mana arki doontid ruux, ilaa ruuxaasi uu noqdaa mooyee, mid aad u baqaya, isla markaana la argagax geliyey.
20) Shaki la'aan Salmaanow, waxaa jiri doona waxyaabo laga keeni doono Bariga iyo kuwo laga keeni doono galbeedka, waxaana halkaa ku ba'ay kuwa iimaankooda uu daciifka yahaya ee ummadeyda ka tirsan. Dadku waxay noqon doonaa kuwo aan isku naxariisan oo aan is cafin. Jirkooda waa jir baniaadam, laakiin quluubtooda waxaya noqon quluub sheydaan.
Salmaanow
21) Waqtigaasi ragga waxay haeysan doonaan rag kale, haweenkuna waxaya sidoo kale haweysan doonaan haween kale.
22) Wiilsha yaryarka ahna waxaa loo isticmaali doonaa sida haweenka oo kale.
23) Raggu waxay isku ekeysiin doonaan haween, haweenkuna waxay isku ekeysiin rag.
24) Waxayn taasi horseedi doontaa inuu Ilaah naclado haweenka ummadeyda ka tirsan
25) Masaajidada waxaa lagu xardhi doonaa Dahab iwm. si la mid ah sida loo xardho kaniisadaha iyo goobaha ay ku cibaadeystaan Yuhuudda.
26) Qur'aanka waxaa lagu xardhi doonaa nakhshado iyo midabo ku soo jiidanaya iwm.
27) Minaaradaha masaajidd awaxay noqon kuwo aad u dheer, safafka dadka salaada ku jira waxaya noqon kuwo badan, laakiin dadkaasi quluubtooda iskuma fiicna, hadaladooduna waa kuwo is khilaafsan.
28) Waqtigaasi raggu waxay isticmaali doonaan dahabka oo ay xarago ahaan u xiran doonaan, waxaya kaloo xiran doonaan xariirta, isla markaan awaxa akel oo ay isticmaali doonaan hragga shabeelka.
29) Waqtigaasi waxaa jiri doonta ribo, dadkuna waxay sameyn doonaan ganacsi , iyagoo isku eedeynaya laaluusha.
30) Dadku diinta ayay dhulka dhigi doonaan, dunidana kor baa loo qaadi doonaa,
31) Waqtigaasi waxaa badan doona furiinka ragga iyo haweenka.
32) Xuduudaha Rabbina waxay noqon doonaan kuwo aan la dhowrin.
33) Laakiin taasii mid Allah Subxaanahu Watacaalaa wax u dhimeysa ma aha
34) Waxaa soo bixi doona haween heesa iyo aalado music ah.
35)Kuwa ugu xunna waxay u talin doonaa ummadeyda
36) Waqtigaasi dadka maalqabeenka ah ee ka tirsan ummadeyda waxay xijka u tegi doonaan sida iyagoo booqsaho ama socdaal cadi ah ku jira, iyagoo ay weheliyaan ganacsato meel dhexaad ah, masaakiintuna waxaty u tegi doonaan is tustus.
37) Waxaa soo bixi doona dad baran doona quraanka kariimka , ba;de ujeedkooda ma ahan Allah dartii, waxayna quraanka ka dhigan doonaan sida aalada music ah.
38) Waxaa kale oo jiri doona dad diinta baran doona , oo iyaguna aan Allah dartii sidaa u sameyneyn.
39) Waxaa badan doona tirada carruurta aan sida sharciga ah ku dhalan, dadkuna waxay isku qaadi doonaan weeraro, adduunyo ceyrsasho awgeed.
'Salmaanow! (40) Waxaani oo idil waxay dhaci doonaan, mar xishmadii ay suushey, dunuub badanna la geli doono, dadka xun xun ay u talinayaan amaba ay korka ka heystaan kuwa wanaagsan.
41) Beenta ayaa faafi doonta, waxaana dhici doona cay iyo doodo hadalo la isku dhaafsado, miskiinnimada yaa iyana baahi doonta.
42. Dadku waxay isugu faani doonaan lebbiskooda.
43) Waxaa di'i doona roobab aan watigooda la gaarin.
44)Dadku waxay waqtigaasi cayaari doonaan khamaar iyo musik.
(45) MA jecleysan doonaan dadku inay wanaagga is faraan, xumaantan iska reebaan.
46) Qofka Mu'mika ah xishamadiisa waxay noqon mid aad u hooseysa arka la barbardhigo xitaa dadka ka shaqeeya guryaha
walaal hadi ay kusoo gaarto farriintan udir walaalahaada muslimiinta ah ilaahey ajir iyo xasanaad fara badan hakaa siiyee, Marka walaalaheygoow fadlan wixii aad garaneeyso oo aad e-mail koda haaysa u dir insha allah waa warqadaan wada anfaceeysa
contact me : e-mail: maxamedenglish@hotmail.com or my mobile : 2522+4335479 (telesom) or 4426 (telsom)