![]() ![]() ![]() CUDURDAAR JACAYL (qiso jacayl ah oo dhab ah ) |
![]() |
Dib jiray uu cunay dugaagooa
Horaa loo yidhi soomalidu been way sheegtaa beense ma maah-maahdo waxan uga socdaa maah-maahda dhabta ah ee tidhaahda "ragna ba'iisuu ka sheekeeyaa dumarna badhaadhohooda", way yartahay in la arko nin ka sheekaynaya badhaadhihiisa waxase inta badan la arkaa nin ka sheekaynaya jabkiisa. Halka ay dumar ka sheekeeyaan badhaadhahooda sida cadaadada u ah iyaga oo qarinaya guul-darrooda. Marnaba inan ragg uma fiicna in uu is faansho waayo? Horaa loo yidhi "Nin is faanshey waa ri isnuugtey". Hadaba akhristayaal waxan halkan idiinku soo gudbinayaa Qiso Dhab Iigu Dhacday Taasoo ah Qiso Jacayl ah iguna reebtay xusuus murugo badan, akhristayaal nuxurka qisadan jacaylka ahi xambaarsantahay waxad ka fahmi-kartaan ciwaanka sheekada oo ah "CUDURDAAR JACAYL" qofkastaana wuu fahmikaraa meesha ay sheekadini u biyo dhacayso, waxan hubaa in aad sheekadan aad uga heli-doontaan, sidoo kalena sheekadini waxay wax weyn u tari-doontaa ama ay cashar u noqon-doontaa dhalinyarada maanta joogta oo iyaga oo aan waxba haysan is jeclaanaya. Akhristayaal sheekadini maaha mid aan malo-awaaley ama aan meel ka soo dheegtey ama inta aan mirqaamay aan qalin iyo buug qaatay ka dibna aan sameeyey sheeko mirqaan. Intaa in aanay midna ahayn waxa idiin caddaynaysa nuxurka sheekadu xambaarsantahay. oo ah CUDURDAAR JACAYL waxa laga yaabaa akhristeyaal in aad su'aalo iska weydiisaan Qisadan inta aynaan gaadhin gundhiga sheekada. Gabdhaha Soomaaliyeed waxay sas ka qabaan ninka aan maalintaa gacanta waxba ku hayn, wana lala yaabaa haddii la arko inan inan caashaqday nin aan wax adduun ah haysan, mase aha wax lala yaabo waayo? Dadku wada taajir maaha. Gabdhaah maanta joogaa waxay eegtaan ama ay tixgeliyaan oo keliya ninka maalintaa jeebkiisu buuxo, marka laga reebo in yar oo haweenka ka mid ah oo fahamsan in cidda keliya ee wax bixisaa ay tahay ILLAAHAY [SWT] hablaha manta joogaa waxay moogan yihiin in la arko nin maanta buuxa berina faro madhan, iyo nin maanta faro madhnaa berina jeebkiisu buuxo. Waxase gabdhaha manta joogaa eegtaan ninka maalintaa midida daabkeedahaya ee seeftiisu wax goynayso rikoodhkiisuna hadlayo, kamase fekeraan waxa mustaqbalkooda danbe iyo waxa beri ka maalin imandoona, waxa hubaal ah haddii inanta reerkoodu ogaadaan in ay nin la sheekaysato markii inanta waxa la weydiiyaa su'aalo aan munaasib ahayn, kuwaasoo ay ka mid hiyiin. Naa ninku lagac ma leeyahay? Muxuuse ka shaqeeyaa? Su'aalaha iyo qaar kaleba waxay ka mid yihiin caadooyinka xun-xun ee weli ka suulila dadka soomaliyada, waxa ka haboon in ninta la weydiiyo ninka ay caltay dhaqankiisa, diintiisa, iyo dabeecaddiisa wixii kale ee intaa dheeri ma haboona. |