maansooyinka jacaylka

  • Home
  • the flowers
  • muxaadirooyin
  • africa geography
  • history of somalia
  • somaliland presidential election 2003
  • animal pictures
  • 24 Hours in the Life of a Muslim
  • all africa flags
  • maahmaaho somaliya
  • Silsiladda Taariikhda Islaamka
  • gabayada
  • guurkii-dhexmaray-jinka-iyo-insiga
  • suaalo iyo jawaabo diini ah
  • maansooyin
  • photos
  • new histories
  • sheekooyin
  • qiso dhab ah
  • learn english grammar in 10 days
  • islamic-and-somali-links
  • social photos
  • tahriibta
  • xajka
  • salaadda
  • islamic topics
  • the holly month of ramadan
  • TYPES OF SADAQAH
  maanso
hadduu geed curdina baxo
laamaha cagaarsado
midhuhuu ku caan yahay
ay wada casaadaan
caynadooda aragaa
horta raaxa ciirooo
cunidooda midhahaa
caalamkoo dhanbaa jecel

midii aan calmaday dumar
curad boon ku dhalatoo
bolol caaneheedii
iyo ceelasheedii
casar dheer ku heestoo
oday culumo dhalayoo
markay cudud adkaatee
cimrigeed todoba haa
soocaga cagaysoo
ciideeda boorama
cilmi badan ku baratoo
camuud soodhamaysoo
carabaha gadaal timid
culuum doora biirsatay

inantaa cudoonee
cindigaygu uu rabo
cirka maaha dhererkeed
cufnaan maaha gaabnida
madaw waan kacaagoo
cuud dhaafsan maayee
casaan keensad laga wacan
waa cawl casaan xiga
kaafee casuus huwan
culusayna maan mohan
dhuubnideedu cuud maah

ilaahbaa casiisee
yartu way camiran tahay
carabkaan ku badiyaa
candhuuftaan ka jecel ahay
cunahaa maraysoo
calooshay ku xidhan tahay

carfigiyo sifaadkaa
yartii lagu casuumaan
lacaweeyay xalayoo
canbaruud bislaadiyo
yartu curad ayay hayd
dhayal looma caartoo
gabay lama cileeyee
yartu curad ayay hayd
naftayduna laciirtoo
cawaankii idhibi jiray
cudurkii jacaylkiyo
canaagii imadax maray
cawo dumara laga waa
mid icaafisoo qudha
intaan caalamkani jiray

imikana ciyaartiyo
waxa calanka iisida
oon kucaana maalaa
curad awdaliya.oo
casar dheerba waa hoyad
cadceediina laga nasay
camal saman wanaagii
ucimaamad saartoo
cadar waan ku reeyoo
carshi doogle baan galay
ciil reeban waa hore
runtii ahay cawaaliyo
ruux lagu calaacalo
cagta meesha uu dhigo
cadawgiina uujabo

caaqil aabahaybaan
codkarnimada kala imid
ciidaydu waxay noqon
ayaantaan caruus galo
curintayda gabaygani
calafbuu usahan yahay
 
Maanso Jacayl oo Lamagac baxday (DHEEMAN).

 

maansadan waxaan curiyay 20/8/2008 kadib socdaal booqasho kusalaysnayd walaaltino oon kutagay xaafado kuyaala magaaladan qaahira waxaan halkii ka arkay haweenay aan runtii aniga oon kala qaadqaadayn ubogay dhinac kasta iguna ahayd wax cusub markii aan soodhamaystay socdaalkaygii een xaafada kusoo noqday ayaan aniga oo shaah cabaya buugayga gabayguna i agyaalo xasuustay gabadhii isla markii ayaan qoray maansadan yar ee la magac baxday(DHEEMAN) 1-fogaal dhoog dirkaygii

2-iyo aragti dheerkay

3-isku dheeli tiridii

4-dumarkii dhulkeenii

5-kuwa dhooba jiifiyo

6-kuwa dherer kufaaniyo

7-qaar dhumuclebaa jiray

8-kuwa dhuuban baa jiray

9-kuwa dhisan ayaa jira

10-halka weel madhaqatadu

11-ay dhurmayso hadal uun

12-kuwa dhaarta fuliyoo

13-dhibca badanle baa jira

14-kuwa been udhaladoo

15-kugu dhaamin baa jira

16-tartankaan usoo dhigay

17-wali dhiiri galin iyo

18-dhagdhag sacab waxaan hay

19-abaal dhaafsan maansiin

20-inaan dhiibi doonana

21-dhakadayda kuma jirin





22-durba waxa idhaawacay

23-dhakhso aniga iga yidhi

24-dhididka iga daadiyay

25-dhab isiiyay beerkii

26-igu shiday dhimbiilaha

27-dhakafaarka igu riday

28-dheeman aragtideedii

29-qof dhigeeda oo kale

30-dhaayahaygu may arag

31-dhalaalkii hogoogee

32-dhabankeeda saarnaa

33-qalbi dhile ayuu haa

34-la dhamays tiruu haa

35-idhex qaadaybuu haa

36-dhiiga saaqaybuu haa

37-dhuuxa gaadhaybuu haa

38-la dhutiyay ayuu haa

39-dhiishii abaalkeen

40-dhawraayay waligay

41-ma udhiibay bilad sharaf





42-dharaar waliba caynlee

43-jacaylkaasi igu dhacay

44-inaan dheefsan mooyaan

45-udhaxyaana mooyaan

46-haddii ay ka dhiidhido

47-udhintaana mooyaan

48-udhammaani mooyaan

49-idhibsanina mooyaan

50-dheeldheeli mooyaan

51-idhagaysan mooyaan

52-soo dhaqaaqi mooyaan

53-isii dhaafi mooyaan

54-anuu dheelman mooyaan

55-jacaylkoo idhalan rogay

56-la dhaxmooni mooyaan

57-dhunkaal leefi mooyaan

58-dhadhan helina mooyaan

59-ra,yigii madhiibinoo

60-dhagax ima horyaaloo

61-wax la dhuuman maayee

62-inta hawsha ii dhiman

63-marka aan dhamaystiro

64-dhanbaal baan kusoo qori

65-dhaantaan kasoo tirin

66-waan wada dhergaynaa

67-reerbaan dhisaynaa



DIY Free Web Design with SynthaSite Design by TLG