hadduu geed curdina baxo
laamaha cagaarsado
midhuhuu ku caan yahay
ay wada casaadaan
caynadooda aragaa
horta raaxa ciirooo
cunidooda midhahaa
caalamkoo dhanbaa jecel
midii aan calmaday dumar
curad boon ku dhalatoo
bolol caaneheedii
iyo ceelasheedii
casar dheer ku heestoo
oday culumo dhalayoo
markay cudud adkaatee
cimrigeed todoba haa
soocaga cagaysoo
ciideeda boorama
cilmi badan ku baratoo
camuud soodhamaysoo
carabaha gadaal timid
culuum doora biirsatay
inantaa cudoonee
cindigaygu uu rabo
cirka maaha dhererkeed
cufnaan maaha gaabnida
madaw waan kacaagoo
cuud dhaafsan maayee
casaan keensad laga wacan
waa cawl casaan xiga
kaafee casuus huwan
culusayna maan mohan
dhuubnideedu cuud maah
ilaahbaa casiisee
yartu way camiran tahay
carabkaan ku badiyaa
candhuuftaan ka jecel ahay
cunahaa maraysoo
calooshay ku xidhan tahay
carfigiyo sifaadkaa
yartii lagu casuumaan
lacaweeyay xalayoo
canbaruud bislaadiyo
yartu curad ayay hayd
dhayal looma caartoo
gabay lama cileeyee
yartu curad ayay hayd
naftayduna laciirtoo
cawaankii idhibi jiray
cudurkii jacaylkiyo
canaagii imadax maray
cawo dumara laga waa
mid icaafisoo qudha
intaan caalamkani jiray
imikana ciyaartiyo
waxa calanka iisida
oon kucaana maalaa
curad awdaliya.oo
casar dheerba waa hoyad
cadceediina laga nasay
camal saman wanaagii
ucimaamad saartoo
cadar waan ku reeyoo
carshi doogle baan galay
ciil reeban waa hore
runtii ahay cawaaliyo
ruux lagu calaacalo
cagta meesha uu dhigo
cadawgiina uujabo
caaqil aabahaybaan
codkarnimada kala imid
ciidaydu waxay noqon
ayaantaan caruus galo
curintayda gabaygani
calafbuu usahan yahay
Maanso Jacayl oo Lamagac baxday (DHEEMAN). |
|
maansadan waxaan curiyay 20/8/2008 kadib socdaal booqasho kusalaysnayd walaaltino oon kutagay xaafado kuyaala magaaladan qaahira waxaan halkii ka arkay haweenay aan runtii aniga oon kala qaadqaadayn ubogay dhinac kasta iguna ahayd wax cusub markii aan soodhamaystay socdaalkaygii een xaafada kusoo noqday ayaan aniga oo shaah cabaya buugayga gabayguna i agyaalo xasuustay gabadhii isla markii ayaan qoray maansadan yar ee la magac baxday(DHEEMAN) 1-fogaal dhoog dirkaygii |